Xog Culus ;Wasiir Zamzam Oo La Sheegay In Safarkii Ay Berbera Ku Tagtay Ee Sahayday Saddexda Marxuum Uu Ahaa Mid Ay Mashruuc Naas-nuujin Ah Ugu Samanaysay Walaalkeed . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog Culus ;Wasiir Zamzam Oo La Sheegay In Safarkii Ay Berbera Ku Tagtay Ee Sahayday Saddexda Marxuum Uu Ahaa Mid Ay Mashruuc Naas-nuujin Ah Ugu Samanaysay Walaalkeed .
July 1, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa: (Wajaalenews)-Wasiirada Maaliyadda Jamhuuriyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa lagu eedaynayaa in socdaalkii ay sida kediska ah Berbera ugu tagtay uu ka dambeeyay walaalkeed oo ay lacag udhiibtay isla markaana loo ogolaaday inuu Shiidaalka ka dhoofiyo magaalada Berbera una diro dalka Yemen.

Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan aya aaski sadexdi qof ee ku dhintay socdaalkeedi Berbera Axadi dhaweyd waxa si weyn ay dadku u hadal hayeen in ujeedada ay mar kaliya ay wasiirku ku go’aansatay inay Berbera u anbabaxdaa aheyd mid la xidhiidha dano gaar ah oo ay shakhsiyan laheyd.

Siday dad badan oo aaskaasi ka soo qaybgalay sheegeen,wasiirka Maaliyadda ayaa si kadis ah waxay ugu baxday dhinaca Berbera ka dib marki qaylo dhaani ka soo yeedhay maareeyaha Haamaha shidaalka Saleebaan Siciid kaasoo ku cawday in shaqaalaha dekeddu xanibayaan dhoofinti shidaalka kootarabaanka ahaa ee dalka Yeman Berbera looga dirayey mudooyinkan dambe.

Wasiirka maaliyadda ayaa amar ay hore u bixisay ku fasaxday in shidaalka loo dhoofiyo Yeman isla markaana ay dawladdu cashuur ka qaadato.Hadaba shidaalka faraha badan ee Yeman loo diro aya siday ilo xogogaal ahi sheegeen waxa badankiisa iska leh nin ay wasiirka maaliyadda walaalo yihiin oo ku magac dheer Xaajiga,waxaana la xaqiijinaya in marki ay Samsam galinki dambe ee isla Axadi ka soo noqonaysay Berbera ay iyada iyo walaalkeed gaadhigeeda wada saarnaayeen halka Wali Daa’uud Cigaal oo ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda maaliyadda,askarigi Muuse Cali Haybe ee wasiirka ilaaladiisa ahaa iyo wariyihi Hctv Maxamad Daa’uud Yuusuf Ilaahay ha u wada naxariisto’e ay wada fuushanaayeen gaadhi yar oo Zuzuki ah.Kaaga darane shilka ka dib halkii Wasiiradu ay kasoo tacsiyadayn lahayd qoysaska Marxuumiinta Xijaabtay, ayay wasiiradu tacsi ufadhiisatay gurigeeda.

Wasiirada Maaliyada ayaa had iyo jeer lagu eedeeyaa inay ku kacdo talaabooyin qalafsan oo qaraaba kiil iyo dad kala jeclaysi ku dhisan, waxaanay ahayd dhawaan markii Wasiiradu ay maareeyaha wakaalada biyaha magaalada Hargeysa ku dhiirigalinaysay inuu isticmaalo dhuumaha biyaha qaada ee loo keenay inay biyaha kasoo xambaaraan Xumba weyne, inuu ku badalo dhuumaha imika biyaha keena magaalada Hargeysa wixii kharash ahna ay iyadu bixinayso.

 

Xigasho Haatuf

COMMENTS
LINKS