|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani oo Daah-furay Wargeys Xilliile Ah Kuna Hadli Doona Afka Xisbiga.
July 20, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) :-Munaasibad aad u bilan oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku soo bandhigaayey Wargeys saddex billoodle ah oo loogu magac daray warsidaha WADAAG isla-mar-ahaantaana ku hadli doonta afka xisbigaasi ayaa xalay lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Warsidahan oo ay soo diyaariyeen Waaxda Warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa munaasibadaa lagu daah-furaayey ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddida fulinta, hoggaanka, garabka haweenka, garabka dhalinyarada, ururada aan dawliga ahayn, ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, madax-dhaqameed, ganacsato, qurba-joog iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan. Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Muj.Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey ujeedooyinka loo aas aasay warsidaha WADAAG iyo waxyaabaha uu ka hadli doono. “Warsidahan WADAAG ayaa la yidhaahda, hawsha xisbiga ayaa qabtay, dad aan xisbiga ahayn ayaa qabtay, laamaha dibadda ayaa qabtay, hawl wadaag ah ayey ahayd oo la isagu tagay, annagu Waax ahaan in badan ayaanu ka hadalnay waxii aanu qaban lahayn, waa warside xiliile ah oo ku soo bixi doona waxa kal laha loo yaqaano, hada saddex bilood ayey ku soo baxday saddexda billood ee ku xigana waa ay ku soo bixi doonta. Warsidaha WADAAG, waxaa uu noqon doona oo aanu uga gol leenahay siddii la iskugu xidhi lahaa xubnaha xisbiga Waddani, waxaanu uga gol leenahay in aanu dadka wacyi gelino, waxaanu uga gol leenahay in aanu dadka wax barno, waxaanu uga gol leenahay in ay dadku aqoonta ku korodhsadaan, waxaanu uga gol leenahay in ay dadku mado-daalo ka dhigtaan, waxaanu uga gol leenahay in lagu kaydiyo dhacdooyinka taariikhiga ah ee dalkan ka dhacay, kani tijaabo ayuu naga ahaa, se kuwa xigaana waa ay soo bixi doonaan bilaha soo socda.”.Ayuu yidhi Muj.Boobe Yuusuf Ducaale. Marwo:Faadumo Siciid, guddoomiyaha wadanka UK ee xisbiga Waddani Xuseen Aadan Cadde, afhayeenka waqooyiga Ameeriga Md.Mukhtaar Murre, qurbo-joog iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba waxaa ay hambalyo iyo boggaadin u direen Waaxda Warfaafinta xisbiga Waddani ee uu hormuudka ka yahay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ay sheegeen in ay qaaday tallaabo muhiim u ah guud ahaan bulshada iyo taageerayaasha xisbiga Waddani, iyaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay barbar istaagi doonaan warsidaha WADAAG siddii uu u noqon lahaa mid hana qaada oo kaalin muuqatana ka gala hay’adaha warbaahineed ee dalka. “Aad baan ugu mahad celinayaa dhammaanba xubnaha ka qeyb-qaatay wargeyskan iyo odeygooda Mujaahid Boobe iyo sida oo kale cid kasta oo ka qeyb-qaadatay soo if bixidda wargeyskii ugu horeeyey ee xisbi Somaliland ahi uu yeesho, waxaan ku hambalyeynayaa dhabar adayga ay muujiyeen mudadii ay soo wadeen diyaarintiisa, waxa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa xubnahii tirade badnaa ee halkan kaga dhawaaqay in ay nuqulo badan qaadan doonaan, iyada oo dhiiri galin u noqon doonta wargeyska iyo koritaankiisaba. Wargeysku tijaabo ayuu ahaa, waxaanan rajaynayaa in uu afaf kalena uu ku soo bixi doono haddii Alleh idmo Insha Allah.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Ugu danbeyntiina, waxaa halkaas guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu guddoonsiiyey shahaado sharaf ay ka xisbi ahaan ku maamuusayeen kaalinta fir-fircoon ee Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale uu kaga jiro xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo doorkii laxaadka lahaa ee uu ka soo qaatay diyaarinta iyo soo bandhigida Wargeyska xilliilaha ah ee WADAAG oo hada tirsigiisii 1aad la ibo furay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|