|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Eedaymo Culus Usoo Jeediyay Wasiirada Maaliyada SamSam Cabdi Aadan.
July 13, 2015 - Written by Editor:Wasiir SamSam Laba Ka Yeeli Mayno “Gabiley Musuqmaasuqii Ka Dhacay Ha La Danbabaso Lacagtii Jeegaga Ee Wasaarada Maaliyadana Ha La Bixiyo, Ragii Cunayna Ha Sii Shaqeeyaan Xildhibaan C/Casiis Cabdilaahi Ismaaciil. Gabiley(Wajaalenews):Xildhibaan cabdi Casiis Cabdilaahi Ismaaciil oo ka tirsan golaha deegaanka degmada gabiley ayaa dhanbaal uu u soo gudbiyay warbaahinta waxa uu kaga hadlay musuqmaasuq uu sheegay inuu hadheeyay dawlada hoose ee gabiley iyo lacag dayn ah oo wasiirka maaliyadu ku soo dalacday dawlada hoose ee gabiley lacagtaasi oo ah cashuurtii jeegaga dawlada hoose ee ay ka qaadi jirtay wasaarada maaliyada waaxda cashuuraha barriga oo la cunay.islamarkaana uu cunay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo wali ka sii shaqaynaya xafiiskii dhanbaalka xildhibaankuna waxa uu u dhignaa sidan:
Aniga Oo ah Xildhibaan cabdi Casiis Cabdilaahi Ismaaciil
Wax aan halkan ka cadaynayaa in dawlada hoose ee gabiley ay hadhaysay ceeryaan musuq maasuq oo aan la qaadan karayn waxaan dad waynaha reer gabiley iyo xukuumada somaliland u sheegayaa in maayarka cusub Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ahaa maayar loo han waynaa in dabar lugaha lagaga xidhay si aanu hadafkiisa uga midho dhalin Maayar amiin wuxuu la wareegay dawlad hoose oo qalinka wax lagu qorayaa iyo buuga dawlada hoose yaalaa uu dayn yahay marka laga yimaado 300,000 oo doolar ee daynta ah waxaa jirta in lacagtii cashuuraha bariga ee jeeg kasta oo dawlada hoose ka baxa ku waajibtay taasi oo ay lahayd wasaarada maaliyadu in la cunay oo ragii cunay lacagtaasi ay wali shaqaynayaan wasiirka maaliyaduna ay ku soo dalacday lacagtaasi si ay dawlada hoose ee gabilay u bixiso ,,,,,wasiirka Maaliyada Marwo:ZamZam Cabdi Aadan oo ah wasiir aan u hanwaynahay Waxaan leeyahay wasiir laba kaa yeeli mayno “Gabiley Musuqmaasuqii Ka Dhacay Ha La Danbabaso Lacagtii Jeegaga Ee Wasaarada Maaliyadana Ha La Bixiyo Ragii Cunayna Ha Sii Shaqeeyaan ” markaa wasiir samsam waxaanu ku leenahay lacagta jeegaga dawlada hoose ha bixiso ee waa in dawladu talaabo cad ka qaadaa raga lacagtaas cunay ee weli ka sii shaqaynaya dawlada hoose ee gabiley wasiir waxaan kuu sheegaynaa in anaan lacagtaa bixin doonin inta ragii lacagtaa musuqay ay shaqaynayaan wasiir arinkaasi xukuumada ceeb ayay tahay wasiir adigana ceeb ayay kugu tahay wasiir waxaanu xal u aragnaa in dawladu shaqada ka fadhiisiiso Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor
Xildhibaan cabdi Casiis Cabdilaahi Ismaaciil Gabiley COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|