Weftigii Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey oo soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan Magaalada ceerigaabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weftigii Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey oo soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan Magaalada ceerigaabo.
July 30, 2015 - Written by Editor:

Weftiga Madaxweynaha oo gaadhay ceerigaabo oo maalmahanba aad looga dhegtaagayey safarka madaxweynaha ayaa waxa si weyn isugu soo baxay konayaasha magaalada ceerigaabo madax-dhaqamadeedka, waxgaradka, waayeelka oo aad isu soo abaabulay waxay caleemo qoyan, durbaano, iyo haween iyo rag ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka u ah ceerigaabo aankana ay ku tahay, oo safar dhaadheer taxnaa, waxaana hareero joogay Boqoro, Ugaasyo, Salaadiin iyo Chief caaqilo aad u farabadan.

ceergaabo 1 ceergaabo 2 ceergaabo 3 ceergaabo 4

Madaxweynaha salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo ku sugnaa duleedka magaalada ayaa loo soo gelbiyey dhinaca magaalada ceerigaabo oo ay dad aad u tiro badani tubnaayeen wadooyinka ilaa beerta nuura oo uu madaxweynuhu shacbiga kala hadlay.

ceergaabo 4 ceergaabo 5 ceergaabo 6

ugu danbayna waxa weftiga madaxweynaha loo soo gelbiyey dhinaca guriga martida ee sanaag halkaas oo weftigu ay u hoydeen caawa.

COMMENTS
LINKS