|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxyaabaha Taarikhiga ah Ee Lagu Xasuusan Doono Booqashada Obama Ee Kenya
July 25, 2015 - Written by Editor:Nairobi(wajaalenews)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa xalay fiidkii gaadhay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo si weyn looga sugaayay, Kenya waa halka uu kasoo jeedo Aabihii. Safarka Obama oo noqday mid guud ahaan saameyn ku yeesha Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa sidoo kale waxaa bar bar socday waxyaabo la yaab leh oo lagu xusuusan doono Madaxweyne Obama Safarkiisa Kenya. Ammaanka Magaalada Nairobi si weyn ayaa loo adkeeyay, Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi duulimaadyadii waa la joojiyay saacadihii la sugaayay Obama, waxaana ammaanka guud ee garoonka la wareegay ciidanka FBI ee Mareykanka oo wata eyda u tababaran urinta waxyaabaha qaraxyada ka sameysan. Eyda qaar ee amniga Madaxweynaha ka qayb qaadanaya waa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda FBI ee Mareykanka. Waxyaabaha sida gaarka ah Safarka Obama loogu xusuusan doono waxaa ka mid ah. 1:Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto looma ogolaan inuu garoonka tago oo uu gacan qaado Obama (waxaa la leeyahay arrinta maxkamada ICC darteed ayaa looga celiyay). 2) Xogheynta gaarka ah ee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ninka lagu magacaabo Jomo Gecaga ayaa buuq ka dhashay kadib markuu “TAABTAY” Baabuurka gaarka ah ee Obama oo lagu magacaabo “The Beast” kaasoo dhex taagnaa garoonka diyaaradaha JKIA. 3:in Salaadii Jimcaha shalay Magaalada Nairobi masaajidada ku dhaw wadooyinka la xidhay in lasoo hormariyay waqtiga salaada oo dadka ay dukadeen 1:00 Duhurnimo, halkii la dukan jiray marka hore 1:30 Duhurnimo, sababo ku aadan wadooyinka oo la xidhaayay 2:00 Duhurnimo si dadka ayna ugu dhibaatoon. 4: Madaxii Amniga Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi oo lagu dhex-baadhay Garoonka Diyaaradah Kenya, Saraakiil ka tirsan FBI ayaa baadheysay. Kolkii Obama uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, waxaa soo dhaweeyey gabadh yar oo loo dhiibay Ubax aad u qurux badan, kadibna Obama wuxuu gacan qaaday Uhurru Kenyatta, intaasi kadib ayaa Obama wuxuu xabadka geliyay walaashii oo isku aabo yihiin oo Garoonka dadkii ku soo dhaweeyay ka mid ahayd. Maanta ayaa lagu wadaa in Obama uu furo shirka looga hadlaayo arimaha ganacsiga dalka Kenya lagu qabanaayo.
Related posts:Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Natiijada Hordhaca Ee Golaha Wakiilada Gobolada Sanaag, Togdh... Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Oo Baaq Nabadeed UDiray Beelo Ku Dagaalamay Degaanka Cawsane Ee Gobolk... Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Halka Ay marayaan Wada Hadalkii Usocday Xukuumada Jabhada Co... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|