Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo Dalka Kusoo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Dalka China. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo Dalka Kusoo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Dalka China.
July 28, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse  ayaa Manta Madaarka Cigaal International ku soo dhaweeyay wafti balaadhan oo ka socda dalka shiinaha kuwaasi oo u jeedada socodkoodu ahayd sidii ay umaal gashan lahayeen dhulka somaliland

wasiirka warshadaha 3 wasiirka warshadaha 4 wasiirka warshadaha 5

Waftigan oo kakoobnaa ganacsato iyo masuul ka socda wasaarada ganacsiga qaybteeda maalgashi qaarada afrika,

Waftigan oo uu   hogaaminayo,Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Dalka China Qaybeetada Maalinta Ee Qaarada Afrika U Qaabilsan Mr Ling Dong Kana Kooban Afar Xubnood.

Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Warshadaha Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo kalmada soo dhawayna kusoo dhaweeyay .Waxaan indinku soo dhawayanyaa dalka somaliland Oo Aanay ahayn Markii Idinku Horaysay ee aad timaadeen anigoo ku hadlaya magaca xumkuumada somaliland iyo ka wasaaradan ahaanba waxan idinku soo dhawaynayaa gacmo furan waxaanan idiin balan qaadayaan in aan idiin fududayn doono wax kasta oo idinkaga xidhan somaliland

Dalka somaliland waa dal u furfuran maalgashi waana dalka ku dadaalaya sidii ay u horumarin lahaayeen dhinacyada wax soo saarka iyo  Isdhexgalga ganaciga xorta ah.

DHanka kale waxa isna kalmado mahadnaqa yidhi Madaxa Waftigan MR Mr Ling Dong Waxaan halkan uga mahad naqayaaa wasiirka Warashadaha iyo xukuumada somaliland waxaanu dalka unimid in aanu maal galin ku samayno dhawr warshadood oo hore aanu u qorshaynay iyadoo hada aanu bilaabi doono Warshada birta iyo xadiidka

Waftigan ayaa lafilayaan in safaro ugu baxaan gobolada somaliland sida saaxil iyo gabiley oo ka bilaabi doonaan shaqadooda.

SHUCAYB wasiirka warshadaha 2

Xukumada somaliland ee uu gadhwadeenka  ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa mudadii ay xilka haysay ku talaabsatay horumar  lataaban karo oo ah dhinaca maalgashi iyo sidii ay dunida ugu qancin lahayd in dalka somaliland yahay dal nabdoon kuna dhaqma shuruucda caalamka una baahan in uu beesha caalamka la yeesho xidhiidh iskaashi oo ah dhinaca maalgashiga,

Madaxwaynaha somaliland ayaa dhowr bilood ka hor umagacaabay wasiirka wasaarada warshadaha mudane shucayn maxamed muuse oo noqday wasiirka ugu da,yar golaha wasiirada somaliland ,

Wasiir Shucayb maxamed muuse ayaa mudadii koobnayd ee uu joogay wasaarada warshadaha iyagoo kashanaya masuuliyiinta cusub ee lala soo magacaabay iyo shaqaalaha wasaarada wuxuu dardar galin ku sameeyay dhamaan qaybaha wasarada ,

waxa kale uu mudane shucayb mudadii uu wasaarada joogay kormer ku sameeyay gobolad Dalka qaarkood  isagoo u kuur galay xaalada warshada sibidh ee barbera kana soo saaray go,aano

sidoo  kale  Wasiir Shucayb wuxu kormeer ku tagay dhiiri galin iyo qiimay iskugu jira warshadaha yar yar ee gaarka loo leeyahay, Isagoo ku booriyay dadaalka ay ugu jiraan wax soosaarka dalka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS