Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Oo Shaaciyay Bilashada Shuwaal iyo Ciidal Fidriga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Oo Shaaciyay Bilashada Shuwaal iyo Ciidal Fidriga
July 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) -Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa xaqiijiyay in bisha Shuwaal laga arkay degaanno ka mid ah Somaliland, sidaas darteedna ay tahay Iid maalinta bari ah oo Jimce ah.

ciid wanaagsan

“Waxaa nasiib wanaag ah in bishii laga arkay degaannada aan soo sheegi doono,ugu horrayn gobolka Buuhoodle, degmada Carroweyn waxaa bishii ka arkay labadan sheikh ee kala ah Imaam Sheekh Luqmaan Sheekh Yuusuf iyo sheikh Rooble Cali Abshir. Magaalada Gar adag, degmada Ceel-cadde waxaa ka arkay saddex qof Cabdillaahi Xuseen,Kayse Cali Siciid iyo Nuux Maxamed Faarax, sidaasna waxaa inoogu caddaaday bishii Shuwaal bilashadeedii, barina waa ciid iyo jimce is galay, waxaan idin leeyahay Kulu caam wa antum bil khayr, Alle soonka ha inaga aqbalo bisha bisheedana ha inagu gaadhsiiyo khayr.” Ayuu yidhi Sheekh KHaliil.

 

Wasiirku waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka Somaliland iyo guud ahaan shacbiga Somaliland iyo caalamka islaamka.

 

COMMENTS
LINKS