Wargeysyada iyo Waxyaabaha Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeysyada iyo Waxyaabaha Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyada.
July 13, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Wararkii ugu danbeeyey ee Suuqa kala iibsiga kooxaha iyo wararkii kale ee doonitaanka kooxaha iyo halka ay kala marayaan.

Manchester City ayaa soo afjartay saxeexa Sterling waxaayna haatan u wareegtay kooxda Juventus iyo ciyaaryahankeeda khadka dhexe Paul Pogba 22-jirkan reer France ayay ku doonaysaa iney saxeexiisa ku garaacdo kooxda Barcelona oo si weyn u raadinaysa, waxayna doonaysaa iney lacag badan kaga dul qaado kooxda Juventus. Sidaasi waxaa qortay Daily Star:

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo Pedro oo 27-jir ah kaasoo ka imaan doona kooxda Barcelona Mourinho ayaa £22milyan ku doonaya weeraryahankan garabka ka ciyaara wuxuuna doonayaa inuu ku mataaneeyo Cesc Febragas oo kooxda kaga soo horeeyey. waxaana qortay Sport Spian.

Kooxda Liverpool ayaa diyaarinaysa sidii ay ula soo wareegi lahayd Marco Reus si uu uyimaado garoonka Anfeild bedalna uu ugu noqdo Raheem Sterling.

Ciyaaryahanka Borussia Dortmund Reus oo dhawaan saxiixay heshiis cusub ayaa dhici karta in ay ku badashaan lacago adag maadaama £49 million ay bankigooda lagu soo shubay oo laga helay Sterling. Sidaasi waxaa qortay: Metro.

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah iney wadahadal la gasho kooxda Napoli si ay u hesho Jose Callejon, ciyaaryahankan reer Spain horena ugu soo ciyaarey kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah inuu isaga tago magaalada Naples.

Bixitaanka Callejon ayaa keentay markii Rafa Benitez oo kooxda keenay uu tababare u noqday Real Madrid, waxayna The Gunners doonaysaa iney ka faa’ideysato ciyaaryahankan oo doonaya inuu isaga tago kooxdiisa, ciyaaryahankan ayaa lagu heli karaa  €25 million. Sidaasi waxaa qortay Metro.

Manchester United oo maanta si wadajir ah laba ciyaaryahan oo khadka dhexe la soo saxeexatay ayaa haatan waxay u wareegtay iney heshiis la gaadho ciyaaryahanka Aston Villa Christian Benteke.

Manchester United ayaa haatan waxaa u hadhsan iney keensato ugu yaraan laba ciyaaryahan oo difaaca iyo weerarka ah waxayna diirada saaraysaa gooldhaliye Christian Benteke oo codsaday in laga fasaxo kooxdiisa. Sidasi waxaa qortay the Mirror.

Kooxda Monaco ayaa heshiis rasmi ah la gaadhay weeraryahanka kooxda Milan Stephan El Shaarawy.

El Shaarawy ayaa sheegay inuu yahay go’aankii ugu fiicnaa ee uu abid gaadho wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ku biirista Monaco. Sidaasi waxaa qortay Football-Italia.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

COMMENTS
LINKS