Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axad Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axad Ah.
July 19, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Maanta oo axad ah iyo wixii ay ka qoreen wargeysyada ingiriisku suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada iyo wararkii ugu danbeeyey.

Louis van Gaal  oo sheegay jimcihii inuu sameyn doono saxiix lama filaan ah ayaa isku dayi doona mar kale inuu Real Madrid kala soo wareego xiddiga ugu qaalisan kubada cagta caalamka Gareth Bale. (Sunday People)

Aston Villa ayaa u dhaqaaqi doonta weeraryahanka QPR Charlie Austin si ay ugu bedelaan xiddiga ku sii jeeda Liverpool Christian Beneteke. (Sunday Mirror)

Jose Mourinho ayaa digniin ku bixiyay inuusan joojin doonin inuu dalab ka gudbiyo daafaca aadka loo qiimeeyo John Stones inkastoo Everton ay sheeganeyso inuusan iib aheyn. (Sunday Mirror)

Weeraryahanka Aston Villa ayaa rajeynaya in mid ka mid ah afarta kooxood ee ugu sareysay horyaalka inay la kulmaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa ee 32.5 milyan ginni islamarkaana ay u soo bandhigaan kubad Champions League ka hor inta uusan heshiis u saxiixin Liverpool. (Sunday People)

Tottenham ayaa dalab 15 milyan ginni ah ka gudbin doonta weeraryahanka West Brom Saido Berahino isbuucaan. (Sunday People)

Xiisaha PSG ee Angel di Maria ayaa sarre u kacay madaama Man City ay fursad u heysato saxiixa xiddiga Wolfsburg Kevin de Bruyne. PSG ayaa sidoo kale dooneysay De Bruyne laakiin waa ay ka hari doonaan tartankiisa haddii ay helaan Di Maria. (Sunday People)

Xiisaha Arsenal ee daafaca Roma Kostas Manolas ayaa waxaa meesha ka saartay kooxda Talyaaniga ee AS Roma. (Sunday People)

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko. (Sunday Star)

Manchester City ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka 18 sanno jirka kooxda Fulham Patrick Roberts labada maalmood ee soo socota. Heshiiska ayaa qiimihiisa uu yahay 11 milyan ginni. (Sunday Telegraph)

Angel Di Maria ayaa ku qasban inuu dalbado in la iibiyo haddii uu doonayo inuu ka tago Manchester United oo uu ku biiro Paris Saint-Germain. (Mail on Sunday)

Xiddiga ku hungoobay Liverpool Fabio Borini ayaa laga yaabaa inuu ku biiro kooxda Real Sociedad ee tababare David Moyes. (Sunday Star)

Kooxda West Brom ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Liverpool Rickie Lambert. (Birmingham Mail)

Xiddiga Bayern Munich Mario Gotze ayaa si maldahan u sheegay inuu u furan yahay inuu u dhaqaaqo koox ka ciyaarta dalka dibediisa. (Sunday Express).

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS