Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Talaado Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Talaado Ah.
July 21, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Real Madrid ayaa ku dhow inay Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga Borussia Dortmund Marco Reus. (Liverpool Echo)

Manchester United ayaan la wareegi doonin weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller, sidoo kalena tartan uguma jiraa saxiixa Robert Lewandowski. 9Daily Star)

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay 26 milyan ginni ku dalbato daafaca Everton John Stones laakiin Roberto Martinez ayaa doonaya lacag ka badan 30 milyan ginni. (Guardian)

Manchester United ayaa xiiseyneysa inay goolhaye Sergio Romero keento Old Trafford si uu bedel ugu noqdo Victor Valdes. (MEN)

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mathieu Flamini ayaa u muuqda inuu heshiis 2.8 milyan ginni ugu sii jeedo kooxda Turkiga ee Galatasaray. (Evening Standard)

Mustaqbalka Paul Pogba waxaa go’aansan doonta kooxdiisa Juventus, go’aan kama gaari karto cid kale, sidaasi waxaa sheegay wakiilkiisa Mino Raiola. (talkSPORT)

Loic Remy ayaa iska diiday inuu dib ugula midoobo tababare Alan Pardew kooxda Crsytal Palace, isagoo ka doortay inuu u dagaalamo booskiisa kooxda Chelsea. (The Sun)

Kooxda Fenerbahce ayaa dooneysa xiddiga garabka ka ciyaara ee Tottenham Aaron Lennon si uu Turkiga ugu raaco Robin van Persie iyo Nani. (The Sun)

Kooxda Chelsea ayaa ku dhow inay u dhaqaaqdo daafaca bidix ee kooxda Jarmalka Ausburg Abdul Baba Rahman isbuucaan ka dib markii ay ugu danbeyn ogolaadeen inay Filipe Luis ka iibiyaan kooxdiisa hore ee Atletico Madrid. (Daily Mirror)

Kooxda Arsenal ayaa laga soo diiday dalab 31.3 milyan ginni oo ay ka gudbisay weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema. (Daily Express)

Dhanka kale kooxda Gunners ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee Monaco Joao Moutinho. (Daily Express)

Manchester United ayaan dooneynin inay u ogolaadaan Jonny Evans inuu baxo ilaa iyo inta ay ka helayaan daafac dhexe oo buuxiya booska uu baneeyo. (Daily Mail)

Alexandre Pato ayaa diyaar u ah inuu ka ciyaaro kubada cagta Ingariiska, waxaa loo soo bandhigay kooxaha iska meel dhexaadka dalka Ingariiska, arinta lama filaanka ah ayaana ah inuu kaliya 25 sanno jir yahay. (Daily Mail).

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS