Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.
July 26, 2015 - Written by Editor:

uqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Hargeisa(wajaalenews)-Theo Walcott ayaa ogolaaday qandaraas cusub oo Arsenal ku sii heynayso ilaa iyo 2019 isagoo qaadanaya mushahar 100 kun ginni isbuucii hore, halka goolhaye David Ospina uu sii joogayo Gunners ka dib markii uu kulan la qaatay Arsene Wenger. (Sunday Mirror)

Kooxaha Arsenal iyo Roma ayaa ku dagaalamaya saxeexa weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko. (Sunday Express)

Xiddiga diirada u saaran Chelsea ee daafaca ah John Stones ayaa u sheegay Everton dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore inuu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo koox weyn. (Sunday Express)

Kooxda Leicester ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxeexa weeraryahanka kooxda Liverpool Rickie Lambert. (Sunday Mirror)

Manchester United ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro daafaca Everton Jon Stones iyadoo la fahamsan yahay in tababare Roberto Martinez uuna ku faraxsaneyn sida ay saxaafada ugu bandhigeen xiisahooda da’ yarkaan tayada leh. (Sunday People)

Dhanka kale United ayaa iska diiday dalab uga yimid kooxaha Newcastle iyo Inter Milan oo ku doonayaan 33 jirka khadka dhexe ee Michael Carrick. (Sunday People)

Angel di Maria ayaa qarka u saaran inuu ka tago Manchester United isagoo 46.5 milyan ginni ugu biiraya kooxda Paris Saint-Germain. (The Sun)

Manchester City ayaa loo sheegay inay lacag miiska soo dhigaan ama inay afka ka xidhaan xiisahooda xiddiga kooxda Wolfsburg Kevin de Bruyne. (The Sun)

Weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuain ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay dooneyso Manchester City iyagoo raadinaya bedelka Edin Dzeko. (The Sun)

Weeraryahanka Talyaaniga Fabio Borini ayaa loo soo bandhigay kooxaha Aston Villa iyo Leicester City iyadoo waayihiisa ciyaareed ee Liverpool uu soo dhamaanayo. (The Sun)

Tababaraha Real Madrid Rafa Benitez ayaa si maldahan u sheegay in goolhayaha Manchester United David de Gea in aanun ku biiri doonin kooxda xagaagan. (Daily Star on Sunday)

Chelsea ayaa si weyn uga shaqeyneysa inay u dhaqaaqdo daafaca bidix ee kooxda Augsburg Baba Rahman. (Star on Sunday)

Weeraryahanka Arsenal Danny Welbeck ayaa si lama filaan ah diirada ugu soo koray kooxda Besiktas kuwaasoo raadinaya bedelka Demba Ba. (Star on Sunday).

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

COMMENTS
LINKS