Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Suuqa Kala iibsiga Kooxaha iyo Jaraa’idadu Waxa Ay Qoreen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Suuqa Kala iibsiga Kooxaha iyo Jaraa’idadu Waxa Ay Qoreen.
July 12, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)–Kooxda Chelsea ayaa ku dhaw inay xagaagii labaad oo xidhiidh ah ciyaartoy kala soo wareegto kooxda Barcelona, waxayna markan 22 milyan oo gini ku doonaysaa xidiga Barca booska ka waayey ee Pedero Rodriguez. Chelsea ayaana Pedro heshiis la gaadhay, waxaana xidigan telfoonka kala hadlay Jose Mourinho iyo Cesc Fabregas oo ku qanciyay inuu Stamfrod Bridge ku soo biiro. Waxay u muuqataa in Pedro uu Fabregas kaga daba iman doono Stamford Bridge.

pedro

Dhinaca kale Tababare Jose Mourinho ayaa burburiyay heshiis uu John Obi Mikel kaga tagi lahaa kooxda Cheslea uguna biiri lahaa mid ka mid ah kooxaha Al-Ain ama Al-Wahda oo ka dhisan isku taga imaaraadka carabta.

 Kooxda Man United ayaa dalab ugudbisay dhigeeda Atletico Madrid  kaas oo ay ku doonaysay goolhaye Jan Oblak laakiin kooxda Diego Simeone ayaa soo diiday dalabka Red Devils. Van Gaal ayaa doonaya inuu Oblak badal uga dhigo haddii uu David De Gea ku biiro Real Madrid oo Casillas ka tagay.

Liverpool

Warka ugu wayn ee suuqa ayaa ah in Liverpool iyo Manchester City ay ka heshiiyeen iibka Sterling oo Etihad Stadium ugu biiraya lacag dhan 49 milyan oo gini. Man City ayaa hadda bilawday inay Sterling kala xaajooto heshiiska shaqsiga ah ee uu Citizens ugu biirayo, waxaana hadhsan inay labada kooxood si rasmi ah u shaaciyaan.

Dhinaca kale kooxda Man United ayaa dalab 100 milyan oo gini ah una dhiganta 140 milyan oo euro ka gudbisay xidiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale laakiin Real Madrid ayaan ku daahin inay dalabkan iska soo diido. Man United iyo Real Madrid oo xagaagan ciyaartoy dhawr ah kala doonaya ayay midba tan kale dalabkeeda soo diidaysaa.

dhinaca kale

Kooxda AC Milan oo xagaagan suuqa si wayn ugu jirta ayaa ku dhaw inay la soo wareegto xidiga kooxda Zenit isla markaana diirada u saarnaa Chelsea iyo Juventus ee Witsel. AC  Milan ayaa sidoo kale dalab ka gudbisay difaaca bidix ee kooxda Porto Alex Sandro kaas oo ay ku dalbatay 25 milyan oo euro laakiin kooxda Porto ayaa dalabkan iska soo diiday.

AC

Kooxaha Chelsea, Manchester City, Roma iyo Arsenal ayaa ku tartamaya saxiixa xidiga kooxda Augsburg Abdul Rahman Baba kaas oo lagu qiimaynayo 20 milyan oo gini

Manchester United oo wada xaajood la bilawday kooxda Benfica iyada oo ka doonaysa xidigeed Nicolas Gaitan. Red Devils ayaa doonaysa in heshiiska Gaitan uu qayb ka noqdo difaaca Man United ee Rafael. Wakiilka Rafael ee Cassiano Pereira ayaa shaaca ka qaaday in Benfica iyo Man United ay ka wada xaajoonayaan saxiixa Gaitan isaga oo sheegay in heshiiskan uu qayb ka noqonayo xidiga uu wakiilka ka yahay ee Rafael.Man United ayaa la aaminsan yahay inay Gaitan ka soo bixinayso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo ah £25.1 milyan oo gini.

Dhinaca kale kooxda Man United ayaa soo cusboonaysiisay xiisaha ay u hayso xidiga Liverpool diirada u saarnaa ee kooxda Aston Villa ee Christian Benteke . Man United ayaa kooxda Fenerbahce ka iibisay Robin Van Persie waxayna hadda suuqa ugu jirtaa gool dhaliye.

Kooxda Everton ayaa qorshaynaysa inay difaacii hore ee Manchester United  Nemanja Vidic fursad u siiso inuu dib ugu soo laabto horyaalka Ingiriiska. Vidic ayaa xagaagii hore ku biiray kooxda Inter Milan halkaas oo xili ciyaareed adag ku qaatay.

 

Wajaalenews desk

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

 

 

COMMENTS
LINKS