Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Arsenal oo Dalbanaysa Karim Benzema, Chelsea oo John Stones Dul Dhigtay Lacag iyo Everton oo Ka Jawaabtay + Liverpool oo Burburinaysa Qandaraaska Benteke. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Arsenal oo Dalbanaysa Karim Benzema, Chelsea oo John Stones Dul Dhigtay Lacag iyo Everton oo Ka Jawaabtay + Liverpool oo Burburinaysa Qandaraaska Benteke.
July 17, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Halkan Waxaanu idiinku soo koobi doonaa warakii ugu danbeeyay ee ay wargaysyada Yurub ka qoreen suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ,

Kooxda Bayern Munich ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka xidiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Arturo Vidal. Bayern Munich ayaa Vidal la gaadhay heshiis shan sano ah oo uu sanadkii ku qaadanayo mushaar 10 milyan ah waana mushaar aad uga badan ka uu hadda ka qaato Juventus.Goomiyaha Bayern ee Karl-Heinz Rummenigge ayaana cadeeyay inay wada hadalku uu wali socdo. /Bild/Sky Sports.

Kooxda Chelsea ayaa dalab 20 milyan oo gini ah ka gudbisay difaaca aadka loo qiimeeyo ee kooxda Everton iyo xulka qaranka England ee John Stones, laakiin kooxda Everton ayaan ku daahin inay markiiba soo diido dalabka Blues. Everton ayaan doonayn inay Stones iska iibiso haddii uu baxayana ay lacag badan ka hesho.

Chelsea ayaana la filayaa inay dalab kale oo £26 milyan oo gini ah ka gudbiso Stones. Haddii ay Blues la soo wareegto Stones ayay u diyaarisay No.6 ka laakiin Everton ayaa ku doonayso lacag ka badan 30 milyan oo gini. /Sky Sports.

Kooxda Arsenal ayaa diyaar la ah inay 55 milyan oo euro una dhiganta 40 milyan oo gini ay ku dalbato gool dhaliyaha kooxda Real Madrid ee Karim Benzema. Wenger ayaa ka mid ah dadka sida wayn u taageera Benzema wuxuuna doonayaa inuu xagaaga kooxdiisa ku soo xoojiyo xidigan ay isku ree France yihiin./The Sun.

Dhinaca kale Arsenal ayaa sare u qaadaysa lacagtii ay ku doonaysay xidiga kooxda Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang. Arsenal ayaa hore ugu guuldaraysatay dalab £28.7 milyan gini oo ay xidigan ku doonaysay balse waxa ay hadda qorshaynaysaa inay ku dalbato 30 milyan oo gini./Germany Reports.

 

Kooxda Liverpool ayaa iyaduna diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska gooldhaliyaha kooxda Aston Villa ee Christian Benteke. Benteke ayaa lagu iibsan karaa 32.5 milyan gini waxayna Liverpool kooxda Aston Villa ku wargalisay inay bixinayso lacagtan, waxaana la sugayaa kaliya inay Liverpool soo gabagabayso saxiixa Christian Benteke./Sky Sports.

Dhinaca kale Liverpool ayaa kooxda Chelsea kula tartamaysa saxiixa xidiga garabka ka ciyaara ee kooxda Barcelona ee Pedro Rodgriguez kaas oo xagaagan la filaayo inuu Camp Nou ka baxo. Pedro ayaa qandaraaskiisa Barcelona lagu burburin karaa 22.5 milyan, waxaana saxiixa xidigan ku tartamaya Chelsea iyo Liverpool. /Dail Mail.

Angel Di Maria ayaa ka shalaynaya inuu Real Madrid ka soo tagay oo uu Man United ku soo biiray, wuxuuna Di Maria codsaday inuu Real Madrid dib ugu biiro. Xidiga ree Argentina ayaan ku faraxsanayn Old Traffrod oo uu xili ciyaareed adag ku soo qaatay. Inkasta oo PSG lala xidhiidhinayo Di Maria ayayna wali cadayn halka uu xili ciyaareedka cusub ka ciyaari doono./ABC.

Kooxaha Chelsea iyo Middlesbrough ayaa ka heshiiyay in da’yarka Chelsea ee Tomas Kalas uu xili ciyaareedka 2015/16 amaah ku soo qaaato kooxda Championship ka ee Middlesbrough./Goal.

Kooxaha Talyaaniga ee Juventus iyo Roma ayaa si wayn ugu tartamaya xidiga ay kooxaha Yurub ugu waa wayni isha kuwada hayaan ee kooxda Augsburg ee Abdul Rahman Baba. 21 jirkan difaaca bixid ka ciyaara ayay kooxo badani doonayaa laakiin Roma iyo Juventus ayaa hadda ugu cad cad. /Tuttosport.

Dhinaca kale kooxda Juventus ayaa xiiso wayn u haysa xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco, waxyna doonaysaa inay xidigan badal uga dhigto Vidal oo kooxda Bayern Munich ku biiraya./La Gazzetta dello Sport.

Inkasta oo uu Van Gaal xili horeba la soo wareegay ciyaartoy muhiim ah ayuu haddana cadeeyay inuu suuqa uga baahan yahay ugu yaraan laba ciyaartoy oo kale.Man United ayaa hore ula soo wareegtay Memphis Depay, Matteo Darmian, Morgan Schneiderlin iyo Bastian Schweinsteiger laakiin wali waxaa si wayn loola xidhiidhinayaa ciyaartoyda kala ah  Nicolas Otamendi iyo Sergio Ramos halka ay jiraan gool dhaliyaal Red Devils ay doonayso inay la soo wareegto./MUTV.

Madax waynaha kooxda Ateltico Madrid ee Enrique Cerezo ayaa shaaca ka qaadan in Filipe Luis uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee A.Madrid kadib markii uu hal xili ciyaareed ku soo qaatay Stamford Bridge. Luis ayaa ku guul daraystay inuu boos joogto ah ka helo shaxda Mourinho wuxuuna dib ugu laabanayaa Atletico Madrid oo uu xagaagii hore kaga soo biiray waxayna Bluse markaa kula soo wareegtay £15.8 milyan oo gini./ Daily mail.

Goolhayaha kooxda Espanyol ee Kiko Casilla ayaa cadeeyay inuu ku biirayo kooxda Real Madrid. Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay Real Madrid ayaa kor uqaaday dalabkii ay ku doonaysay Casilla oo ay doonayso inay badal uga dhigto Iker Casillas oo kooxda FC Porto ku biiray.Kooxaha Real Madrid iyo Espanyol ayaa ku heshiiyay iibka Casilla waxayna Real Madrid goolhayan ka soo bixinaysaa 6 milyan oo euro./ AS.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS