Warar Dheeraada Oo Ku Saabsan: Weerarro lagu Qaaday Hoteello ku yaalla Muqdisho iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada Oo Ku Saabsan: Weerarro lagu Qaaday Hoteello ku yaalla Muqdisho iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay
July 10, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) — Inta la ogyahay 11 Ruux oo ay ku jiraan afar ka mid ah xoogaggii weerarrada qaaday ayaa ku dhintay weerarro Qaraxyo iyo kuwo toos ah oo ay caawa fiidkii lagu Qaaday laba Hoteel oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20-qof oo kale.

Weerarkii_Hotel_Wehliye_Caawa

Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarrada labadan hoteel lagu qaaday, iyadoo Hoteel Weheliye oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama uu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa, iyadoo weli hoteelka laga maqlayo rasaas goo-goos ah.

Isbitaalka Madiina ayaa la geeyay dhaawacyada in ka badan 15-qof, sida ay qaar ka mid ah Warbaahinta u sheegtay Agaasimaha Isbitaal Madiina, Drs. Duniya Maxamed Cali, iyadoo sheegtay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo halis ah.

“Sadex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday waa la dilay, mid kalena wuu is-qarxiyay. Howlgalku weli Wuxuu ka socdaa Hoteel Weheliye oo ay Gudaha u Galeen. Sidoo kale waxaa dhintay lix qof oo shacab ah oo ku sugnaa gudaha iyo agagaarka Hoteel Weheliye, xilligaas oo la Afurayay ayna dad badan halkaas joogeen,” ayuu Wakaaladda ee Reuters u sheegay Cumar Cali oo Saraakiisha Booliiska Somaila ka tirsan.

Isagoo sii hadlaya ayuu Sarkaalku intaas ku daray in markii Weerarku dhacayay joogeen Maqaahi ku dhow hoteelka dad badan oo afurayay, kuwaasoo khasaare ay gaartay, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay Hoteelka kale oo lagu magacaabo Siyaad oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale, Goobjoogayaal ayaa iyaguna ku sugnaa hoteelka markii weerarku dhacayay ayaa xusay inay arkeen maydadka shan qof oo ay ku jiraan laba qof oo kooxihii weerarka tooska ah ku qaaday Hotel Weheliye.

Hotel_Wehliye_Weerarkii_Caawa

“Kooxaha hubeysan waxay qarax ku dhufteen albaabka hoteelka, waxaana isla markiiba ay kooxo hubeysan rasaas ka billaabeen goobta, aad ayaa loo Argagaxay, dad badan ayaana wax ku noqday,” ayuu yiri Nuux Cismaan oo ka mid ah dad ku sugnaa meel ku dhow Hotel Wehliye xilligii uu weerarku dhacayay.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin weerarrada ay xilligii Afurka Caawa Fiidkii ka geysatay Al-shabaab Muqdisho, iyadoo Weerarradaan is-xigay ay kusoo beegmayaan xilli Ammaanka Caasimadda aad loo adkeeyay.

Ugu dambeyn, Hoteelka Weheliye ayaa weli laga maqlayaa rasaas dhacaysa, iyadoo lasoo sheegayo inay weli kooxihii weeraray qaarkood ku jiraan gudaha hoteelka, waxaana sidoo kale ku jira hoteelka xildhibaanno iyo xubno kale oo golayaasha dowladda ka tirsan.

Si kasta ha ahaatee, Al-shabaab ayaa markii ay Curanaysay Bisha Ramadaan ku Hanjabtay inay kordhinayso Weerarrada ay ka geysanayaan Goobaha ay ka taliso Dowladda Somalia, iyadoo intii lagu jiray bishan Ramadaan ay weerar khasaare fara badan geystay ku qaaday saldhiga ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay sheegtay inay ku dhisay 70-askari oo ka tisran kuwa ka socda dalka Burundi.

 

COMMENTS
LINKS