War Deg Dega Weerar Is-miidaamin ah oo lala Beegsaday Hotel Jaziira ee Muqdiso iyo khasaaraha ka dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega Weerar Is-miidaamin ah oo lala Beegsaday Hotel Jaziira ee Muqdiso iyo khasaaraha ka dhashay
July 26, 2015 - Written by Editor:

MUQDIHSO(Wajaalenews) — Ugu yaraan 20-qof ayaa ku geeriyooday tiro ka badanna way ku dhaawacmeen weerar is-miidaamin ah oo Goor-dhowayd lala beegsaday Hoteel Jaziira oo ku yaalla Waddada tagta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

qarax muqdisho

Wararka hordhaca ah ee laga helayo Qaraxan ayaa Sheegaya in Gaadhi Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay dhismaha Hoteelka oo ku dhow dhismaha ay deggen tahay Xarunta UNDP ee Muqdisho.

“Qarxa weyn ayaa lala beegsaday Hoteelka Jaziira, kaasoo dhismaha oo dhan burbur xoogan u geystay; waxaana ku dhintay dad badan oo isugu jiray dadkii Hoteelka deggenaa iyo laba wiil oo Mooto watay, kuwaasoo weli ay maydadkoodu yaallaan meelihii ay ku dhinteen,” ayuu yidhi Goob-jooge ku sugan meel ku dhow Hotel Jaziira.

Dhismaha Hoteelka ayaa burbur xooggan uu ka muuqdaa, sida aad ka Arkaysaan Sawirka wakeenna la socda, iyadoo Qaraxan loo Adeegsaday gaadhi kuwa Xamuulka ah oo Walxaha Qaraxa laga soo buuxiyay, iyadoo Qaraxan uu noqonayo kii ugu Horrreeya noociisa oo ka dhaca Muqdisho.

 

Sidoo kale, War ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay iyadu mas’uul ka ahayd Weerarkan, iyagoo ku xusay warkooda in weerarkan uu aargudasho u yahay dad shacab ah oo ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Somalia

Ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda ayaa xiray waddada Garoonka Aadan Cadde iyo Is-goyska KM-4 isku xira, iyadoo Dadka iyo Gaadiidka loo diiday inay maraan Waddada Aadda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho; iyadoo xaaladdu ay aad u kacsan tahay xilligan.

Hotel Jaziira ayaa waxaa deggenaa xubno ka tirsan Dowladda Somalia, Safaaradaha laba waddan oo kala ah maaraadka Carabta iyo Qatar, waxaa kaloo deggenaa dublamaasiyiin caalami ah iyo weliba dad kala duwan oo Soomaali iyo Ajnabi ah.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay maalmo ka hor kala Wareegeen Al-shabaab degmooyinka Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.

 

COMMENTS
LINKS