Wakhtigayga Intii U Badneyd, Waxaan Ku Bixiyay Jacayl Mehersan:Qalinkii Nimco Baashe Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakhtigayga Intii U Badneyd, Waxaan Ku Bixiyay Jacayl Mehersan:Qalinkii Nimco Baashe Cabdi
July 1, 2015 - Written by Editor:

Waxaan ahaa qof iska dhalinyaro ah, Waxaan dhameystay.  Waxbarashadii ilaa heer Jaamacadeed,  waxaan aad u jeclaa in aan mar uun dhoofo,  waayo waxaan ka mid ahaa dadka aadka u xiiseeya xagaa dibadaha.  gaar ahaan USA Mareykanka ayaan  ku Hamiyi’jiray in aan mar uun tago. Anigu markii aan yaraa waxaan aad u necbaa waxbarashada laakiin waalidku way igu Qasbi jireen, wax aan ka meeraystaba waalidkeyga ayaa iigu Bushaareeyay in ay I dhoofinayaan Hadaan waxbarashada dhameysto. Illeen waxaan ahay ruux jecel dhoof markaa waa khasab in aan maro waddao kasta oo aan ku heli karo dhoofka, ka dhex guuxaaya maskaxdayda iyo maankeyga.   Waa Hubaal in aan ku farxay, Arrinkaas ay ii shegeen Ehelkeygu. waana mid aan sida uu yahay uga soo baxayo,waxaan sidaa ahaadaba wakhti meel ima fadhiyee wuu cararayaa, illeen maaha sidii shay aan meel ku ritay. Markii aan dugsigii sare Galaas 4 sidaa u bilaabay ee sanadkii u dambeeyay aan galay, waxaan isku xidhanay gabadh iyaduna da,dayda ahayd maxaa yeelay waxaan iska ahay qof dhalinyaro ah markaa uma adkeysan karo in aan nolosha kali ku noqdo. laakiin nolosha aan ku jiro iyo ta ay iyadu ku jirto ayuu farqi u dhexeeyay waayo way iga nolol sareysay, Agtayda waxay ka ahayd ruux ku qaaliya waxaan u qaaday jacayl xad dhaaf ah qalbiga ayaan Hanti uga dhigay,  kaas oo aan odhan jiray hada ayuun baad heshay ruuxaad weligaa haybin jirtay. Jacaylka aan u qabo wuxuu i gaadhsiiyay heer aan iska dhaafo go,aankeygii ahaa in aan dhoofo  kaas oo aan u badalay in aan marka aan jaamacada sidaa u dhameeyo aan guursado. Isla markaana aan noqdo qof reer iyo carruur leh, saaxiibaday jacaylkii iyo xidhiidhkii naga dhexeeyay wuxuu sababay in na lagu xanto magaalada aan ku noolnahay Habel iyo Hablaayo.   Waxaan ku noolaa magaalada Neyrobi gaar ahaan xaafada islii,  halkaasna kolay qofkii yaqaan ayaa garanayee dadka ku nool intooda u badan waa ay is wada yaqaan.  inkastoo  ay hada dad badan soo dageen.  Wuxuu wakhtigu socdaba oo hadba waa cusub ii baryaba. Jacaylkii aan wadney aniga iyo saaxiibaday  waxaa ka soo wareegay sanado badan ugu yaraan 7sano ana waxaa I toos ah iigu dhaamady waxbarashadii sare ee jaamacada. Reerkeygu waxay igu leeyihiin.  “Halkee ayaanu kuu dirnaa madaamo oo aad shuruudii aad nala gashay ka soo baxday”?    laakiin anigu waan ka meeraysanayaa waayo waxaan iska dhaafay qayladii badneyd ee hadba aan labada waalid mid ku qaylin jiray oo aan odhan jiray “goorma ayaa la I dirayaa”?  Goorma ayaa  Halkaan Rabo tagayaa”?    Su;aalahaas iyo kuwo ka badan ayaan ku cel’celin jiray mar walba.  in muddo ah waan jaray hadalkaas, illeen waxaan wataa qorshe kale oo ayna cid ila ogayn naftayda mooyaane.    Go,aankeygii ahaa in aan guursado inantan aan jeclay,  iyada waxba umaan sheegin.  waxaan is leeyahay marka aad xaga reerka ka soo dhamaato aad u sheegtid ama marka aad iyada u sheegto aad rerka u sheegtid. Laakiin midna hawsha ilama oga waxaan ku haystaa hadalkii ahaa.

“Quud aan jirin qoryo u guro”:

Waxaan sidaa qorsheeyaba waxaan in muddo ah hadal ka waayay gabadhii aanu xidhiidhka lahayn,  sababtoo ah waxay ka guurtay halkii ay daganaayeen waxayna u guureen xaafad kale oo isla neyrobi ah. Balse Hadana waanu is helney oo taleefan ayay in muddo ah Hadalku ku eekaa sababtoo ah ismaanaan arag,     Waad la socotaa dadka soomaalida ah ee ku nool  Kenya intooda u badan waa dad dhoof sugaaya,  gabadha aan jeclaa ee aan dhoofkeygii u baabiiyay darteed show waxay ahayd ruux Viise u xareysan yahay.  ana waxay iigu tidhi waxaan ku noolaanayaa neyrobi waayo ma ihi dadka jecel dhoofka iyo dibadaha.  Afkeeda ayaan Hadalkaa ka hayay ana waan aaminey maxaa yeelay indho been sheegaya umay eekeyn,  Hadalba wuxuu ku jab dhigay markii ay ila soo hadashay aniga oo u balansan in aan caawa ugu tago xaafadii ay u guureen oo aan u sheego in aan maalmo kadib u soo fadhiisanaayo. Iyaduna ay u sheegto reerkooda oo ay Ogeysiis sii bixiso. Taas aniga oo niyada galiyay ayay ila soo hadashay.  salaan iyo iswareysi kadib waxay igu tidhi “waan tagay ee jaaw nabad gelyo”,  Waanba  yaabay oo waxaan is idhi tolow maxay ula jeedaa hadalkaas aanad hore uga baran,  waan ku celiyay in ay sifiican wax igu sheegto. Laakiin haba sheegin lahaydaa waxay ii sheegtay hadal maankeyga iyo maskaxdayda ka waynaaday, oo igu noqday  ma runbaa ma riyaa,   malaa waad hurudaaa   malaa maaha iyadii qofka kula hadlayaa.  Hadalkaas wadnaha garaaciisa kiciyay Hadalkaa miyirkeyga badalay Hadalkaa gaadhay Heer aan Hadli kari waayo, Wuxuu ahaa sidan   “Walaal Maanta Waxaan ka dhoofay Neyrobi waxaan u socdaa Yurub” Halkaas markey mareyso waxaan waydiiyay sababta keentay in ay xiligan u dhoofto Yurub, Laakiin waxay ii soo tuurtay hadalkaa aan idiin sheegay siduu ii galay oo ahaa “Waxaa I kexeeyay ninkeygii aan u Mehersanaa”:   Gabadhaan intaas oo sanado ah ku indho kuulan jiray Gabadhaan Qalbigeyga jeex ka siiyay  waxay ahayd gabadh u Mehersan nin kale oo ay Magaalada ku sugaysay inta uu ka kacaynaayo. Waxaan soo wada soconey wakhti badan, noloshayda iyo wakhtigeygii ugu qaalisaanaa aduunka waxaan ku bixiyay jacayl mehersan.

Mahadsanid Akhriste

Halkaas Waxaa inoogu dhamaaday,  sheekadaa aad la socoteen ee la magac Baxday.  Wakhtigayga intii u  badneyd waxaan ku bixiyay jacayl mehersan.

Halkaas waxaad ka Akhrisaneysaa in shay kasta oo been lagu Hogaamiyaa uuna Guul Gaadhin weligii.

Nimco Baashe Cabdi

Caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa

 

 

COMMENTS
LINKS