Wacdarihii Mohamed Farah Oo Ku Guulaysatay Orodka 3000 Kun Ee Mitir Ee Anniversary Games 2015 Iyo Usain Bolt Oo Hantay Orodka 100 Mitir Ee London Diamond League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wacdarihii Mohamed Farah Oo Ku Guulaysatay Orodka 3000 Kun Ee Mitir Ee Anniversary Games 2015 Iyo Usain Bolt Oo Hantay Orodka 100 Mitir Ee London Diamond League
July 26, 2015 - Written by Editor:

London(wajaalenews)-Orodyahanka Soomalilanderka ah isla markaana u orda England ee Mohamed farah ayaa guulihiisa sii wata wuxuuna xalay ku guulaystay orodka 300o ee mitir oo ka dhacay London tartanka Anniversary Games 2015 ee London Diamond League. Dhinaca kale Usain Bolt ayaa isaguna ku guulaysatay tartanka 100 mitir. Bolt ayaa 100 mitir ku orday 9 daqiiqo iyo 0.96 seconds.

Mohamed Faraha ayaa Juley 9 hore ugu soo  guulaystay tartanka orodka 5000 kun ee mitir, waxayna ahayd markii ugu horaysay ee Mohamed Farah uu tartan ku guulaysto tan iyo markii isaga iyo tababarihiisa Alberto Salaza eedaynta loogu soo jeediyay inay ku luglahaayeen daawoyin aduunka ka mamnuuc ah.

mo2

Laakiin Muhamed Faraha oo tartankii hore ee 5000 kun dhinaca iskaga dhigay eedayntii isaga iyo tababarahiisa loo soo jeediyay ayaa markale guul wayn ka soo hooyay tartanka Anniversary Games 2015 ee London Diamond League kaas oo hadda uu ku guulaysatay. Mohamed ayaa 3000 kun ee mitir ku orday 7 daqiiqo iyo .34.66 ilbidhiqsi ama seconds.

mo1

Mohamed Farah ayaa markiiba orodka hogaanka u qaban wuxuuna sida inta badan caadada u ah ku jiray kaalmaha saddexaad wuxuuna 1000 kii mitir ee ugu horeeyay ku orday 2 daqiiqo iyo 35 seconds halka uu 1800 ee mitir ku orday 4 daqiiqo iyo 41 seconds, waxaana markan hogaanka si fiican u yahay Gathimba.

Markii la dhaafay 2600 ee mitir ayuu Mohamed Farah wacdarihii looga bartay la soo baxay wuxuuna soo galay kaalinta ugu horaysa isaga oo markiiba hogaanka sii dheeraystay wuxuuna sidaa markale ku soo hooyay guul ay jamaahiirtiisa tartankan daawanaysay ay si wayn ugu farxeen oo ay ugu guuxeen.

mo

Tartankan ayaa ka dhacay Olympic Stadium wuxuuna Mohamed Farah markii uu guulaysatay yidhi: “Anigu Stadiumkan xusuuso fiican ayaan ku haystaa, waad ku mahadsan tihiin inaad caawa u soo baxdeen inaad aniga taageero fiican isiisaaan”.

 

Wariye Abuu Maxfuud.

COMMENTS
LINKS