Waa Maansadii , Damiir Xalan…… sucaad Sh Axmed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maansadii , Damiir Xalan…… sucaad Sh Axmed.
July 30, 2015 - Written by Editor:

Maanso cusub oo ka turjumaysa wakhtiga iyo wacyiga taagan waxaana hal-abuuray qoraa Sucaad sh ahmed oo ah qoraa da’yar kuna xeel dheer wacyi galinta bulshada Somaliland

Waa maansadii

Damiir xalan

Adigoon durbaan tuman

Degemdegem warkayguna

Dacal aanu kaa marin

Dhugo deexda maansada

Goortuu dagaal dhaco

Diriciyo halyeygana

Isku diro cadaawuhu

Haddii foodda lays daro

Hadal aan dhaman

Nin jeclaysi waligii

Ninkii doobir odhanlaa

Dabka hura bakhtiin laa

Inkastoonu dabar go’in

Dib u socod laciifiyo

Daallin xaasida jira

Dadka kala dilayo

Intuu durbaan qaday

Qalbi diir naxaayoo

Diirrani hadduu jiray

Umad aan dal eegayn

Dulin iyo xarbaa yimid

Ku dahaadhan laabtoo

Waa duul is doorshaye

Dambigooda guulloow

Garab laga dugsado iyo

Dayr nooga noqo adag

Uurkooda duulkani

Dabxeer looma waayine

Ruuxii dedaal badan

Hadday daaddeheeyaan

Dakanooyin kii qaba

Digashada ka dhawraan

Dambi dhaafka eebbiyo

Duco waalid

way heli

Anna deelka maansada

Danta aan ka leeyahay

Daaha kaaga qaadaye

Arrin kaa dadnaydbaan

Doc ka eegayaa wali

Rag aan kala dan baynoo

Dalaw iyo siyaasad

Dawgaa racayba jira

Adigooon durbaan tuman

Amaa seegin geesinimo

Dan waxad uu leedahay

Inad hufnan sahan

Umaada dayso

Dan ka hadal ahaato

Cidna aan durraynoo

Dooddiisu furantahay

Dacwaddana waxaa geya

Damiir xalan ninkii sida

Daacadina u dheertahay

Doqonniimo hadalkana

Damiimbaa halhays u leh

Anna duurxulkaygiyo

Murtidayda doorka ah

Ha u qaadan deelqaaf

 

 

COMMENTS
LINKS