|
|||||
WAJAALE NEWS
Waa Maansadii , Damiir Xalan…… sucaad Sh Axmed.
July 30, 2015 - Written by Editor:Maanso cusub oo ka turjumaysa wakhtiga iyo wacyiga taagan waxaana hal-abuuray qoraa Sucaad sh ahmed oo ah qoraa dayar kuna xeel dheer wacyi galinta bulshada Somaliland – Waa maansadii Damiir xalan Adigoon durbaan tuman Degemdegem warkayguna Dacal aanu kaa marin Dhugo deexda maansada Goortuu dagaal dhaco Diriciyo halyeygana Isku diro cadaawuhu Haddii foodda lays daro Hadal aan dhaman Nin jeclaysi waligii Ninkii doobir odhanlaa Dabka hura bakhtiin laa Inkastoonu dabar go’in Dib u socod laciifiyo Daallin xaasida jira Dadka kala dilayo Intuu durbaan qaday Qalbi diir naxaayoo Diirrani hadduu jiray Umad aan dal eegayn Dulin iyo xarbaa yimid Ku dahaadhan laabtoo Waa duul is doorshaye Dambigooda guulloow Garab laga dugsado iyo Dayr nooga noqo adag Uurkooda duulkani Dabxeer looma waayine Ruuxii dedaal badan Hadday daaddeheeyaan Dakanooyin kii qaba Digashada ka dhawraan Dambi dhaafka eebbiyo Duco waalid way heli Anna deelka maansada Danta aan ka leeyahay Daaha kaaga qaadaye Arrin kaa dadnaydbaan Doc ka eegayaa wali Rag aan kala dan baynoo Dalaw iyo siyaasad Dawgaa racayba jira Adigooon durbaan tuman Amaa seegin geesinimo Dan waxad uu leedahay Inad hufnan sahan Umaada dayso Dan ka hadal ahaato Cidna aan durraynoo Dooddiisu furantahay Dacwaddana waxaa geya Damiir xalan ninkii sida Daacadina u dheertahay Doqonniimo hadalkana Damiimbaa halhays u leh Anna duurxulkaygiyo Murtidayda doorka ah Ha u qaadan deelqaaf
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|