UEFA Oo Soo Saartay 10 Ka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Xidiga Yurub 2014/15. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UEFA Oo Soo Saartay 10 Ka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Xidiga Yurub 2014/15.
July 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaa UEFA ayaa soo saaray 10 ka ciyaartoy ee xili ciyaareedkii aan soo dhaafnay ugu fiicnaa Yurub.

Kooxaha Barcelona iyo Juventus oo finalkii Champions Leaque-ga iskugu soo hadhay ayaa ciyaartoyda ugu badan ka helay 10 ka ciyaartoy ee ay Uefa soo saartay.

Juventus ayaa shan ciyaartoy ku leh tobabka ciyaartoy ee ku tartami doona xidiga Yurub ugu fiicnaa xili ciyaareedkii aan ka soo gudbnay.Barcelona ayaa iyaduna ku leh saddexda ciyaartoy halka labada ciyaartoy ee soo hadhay ay ka soo kala jeedaan Real Madrid iyo Chelsea.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 ciyaartoy ee ay Uefa u soo saartay inay ku tartami doonaan xidigii Yurub ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Halkan kaga bogo tobanka ciyaartoy iyo kooxaha ay ka kala tirsan yihiin.

Saddexda ciyaartoy ee iskugu soo hadhi doona abaal marinta xidiga Yurub ugu fiican ayaa la soo saari doona 12 August halka xidiga abaal marinta ku guulaysta la shaacin doona marka la samaynayo isku aadka Champions Leaque heerkiisa Groupyada taas oo 28 August ka dhici doonta Monaco ee dalka France

  1. ANDREA PIRLO { Juventus }.

Pirlo oo loo tixgaliyo mid ka mid ah xidigihii khadka dhexe ee ugu fiicnaa abid ayaa ka mid ah ciyaartoyda 10 ka ah ee ay EUFA u soo xushay inay ku tartamaan abaal marinta xidigii yurub ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Pirlo oo hadda ka tirsan kooxda New York City ayaa kooxda Old Lady ka caawiyay inay Serie A da iyo Coppa Italia ku guulaysato halka uu kulankiisii ugu danbeeyay u ciyaaray finalkii Champions Leaque-ga ee ay Barcelona koobkiisa ku guulaysatay.Halyaygii Italy ayaa fursadii ugu danbaysay u haysta inuu abaal marintan ku guulaysto.

  1. CRISTIANO RONALDO { Real Madrid }.

Xidig aduunka ee Cristiano Ronaldo ee u ciyaara kooxda Real Madrid ayaa markale ka soo muuqan doono ciyaartoyda ku tartamaysa abaal marinta xidigii yurub ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Inkasta oo aanu kooxdiisa Real Madrid koobabkii ay ku tartamaysay kula guulaysan ayuu haddana xili ciyaareedkii la soo dhaafay Ronaldo u ahaa mid xusuus badan wuxuuna xidiga ree Porugal kooxdiisa dhaliyay 61 gool.

  1. GIANLUIGI BUFFON { Juventus }.

Goolhaye Gianluigi Buffon oo kooxdiisa Juventus la soo gaadhay finalka Champions Leaque-ga isla markaana laba koob kula guulaystay ayaa ka mid ah tobanka ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta xidiga Yurub ugu fiicanaa xili ciyaareedkii 2014/15.Buffon ayaa bilawgii xili ciyaareedkii hore shan kulan oo xidhiidh ah aan wax gool ah laga dhalin.

  1. PAUL POGBA { Juventus }.

Waa xidig kale oo ka tirsan kooxda Juventus isla markaana ku soo baxay liiska kooban ee ku tartami doona xidiga Yurub ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Da’yarka yurub loogu doonista badan yahay ee Pogba ayaa ka mid ah ciyaartoyda hal doorka ka ah kooxda Old Lady wuuxuna xidigan da’yarka ahi kooxdiisa kula guulaystay laba ka mid ah koobabkii ay Juventus u tartamaysay.

  1. LIONEL MESSI { Barcelona }.

Ma aha wax cusub in Lionel Messi uu ka mid yahay xidigaha xili ciyaareedkii 2014/15 ugu fiicnaa Yurub, wuxuuna sidoo kale yahay xidig ugu cad cad ee abaal marintan ku guulaysan kara kadib markii uu kooxdiisa Barcelona ka caawiyay inay ku guulaysato saddexdii koob ee ay u tartamaysay. Messi ayaa sidoo kale ugu cad cad inuu ku guulaysto abaalmarinta Ballon D’or ee xidiga aduunka ugu fiican oo uu markii shanaad u sharaxsan yahay.Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkii hore soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

  1. NEYMAR { Barcelona }.

Waa mid kale oo ka mid ah ciyaartoyda Barcelona isla markaana sare u qaaday koobka Chanpions Leaque. Neymar ayaa xili ciyaareedkii hore mid ka mid ahaa ciyaartoyda aduunka ugu fiican, wuxuuna gool dhalinta Champions Leaque-ga min 10 gool kula dhamaystay Ronaldo iyo Lionel Messi oo iyaguna min 10 gool dhaliyay.Neymar ayaana 9 ciyaartoy oo kale kula tartami doona xidigii Yurub ugu fiicnaa.Neymar oo isfahan aan caadi ahayn la samaystay Messi iyo Suarez ayaa qaab ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa ku soo bandhigay Camp Nou.

  1. LUIS SUAREZ { Barcelona }.

Luis Suarez oo xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxda Barcelona kula guulaystay saddexda koob ayaa ku soo baxay liiska 10 ka ciyaartoy ee ay UEFA u dooratay inay ku tartamaan xidiga Yurub ugu fiican. Suarez ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Camp Nou isaga oo si fiican ula qabsaday weerarka saddex aflaha ahaa ee MSN oo xili ciyaareedkii 2014/15 dhaliyay in ka badan 120 gool.Suarez ayaa qaab ciyaareed layaableh soo bandhigay kulamadii ay Barcelona la ciyaaray kooxaha Manchester City iyo PSG oo uu min laba gool ka dhaliyay.

  1. EDEN HAZARD { Chelsea }.

Eden Hazard ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee matalaya horyaalka Ingiriiska oo ay xili ciyaareedkii hore kooxihiisu ceeb kala kulmeen tartamada Yurub. Hazard oo xili ciyaareedkii 2014/15 ku guulaystay xidigii Premier Leaque-ga ugu fiicnaa ayaa markan ku soo baxay liiska 10 ka ciyaartoy ee sanadkan ku tartami doona laacibka Yurub ugu fiican.Hazard oo Chelsea u dhaliyay 14 gool ayaa kooxdiisa Blues kula guulaystay Capital One Cupka iyo koobka horyaalka Ingiriiska.

  1. CARLOS TEVEZ { Juventus }.

Carlos Tevez oo hadda dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Boca Juniors ayaa ka mid ah ciyaartoydii Juventus ka caawisay inay guulo waa wayn ka gaadho horyaalka Yurub iyo waliba horyaalka ay ka dhisan tahay ee Serie A oo ay markii afaraad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka horyaalka Talyaaniga. Tevez ayaa Old Lady u ahaa xidigaha ugu saamaynta badan intii uu Juventus Stadium joogay.

  1. ARTURO VIDAL { Juventus }.

Xidigan vidal oo u ciyaara kooxda juventus oo noqonaya ciyaartoygii shaanaad ee u ciyaara kooxda juventus oo macnaheedu noqonayo in juventus ay kaga cadcadayd ciyaarta maadaama oo ay ka sharaxan yihin 5 ciyaartoy halka Barcelona ay uga sharaxan yihiin 3 ciyaartoy oo kaliya vidal ayaa sidoo kale ka caawiyey in wadankiisa chile ay markii ugu horeysay qaadaan koobka copa America kaasoo markii labaad ay iskugu yimaadeen final messi iyagoo markii hore iskaga hor yimaadeen ciyaartii finalka ee championka.

Vidal oo ciyaartii hore ee finalka championka uu messi kaga guuleystay ayaa diiday in laba jeer uu kaga guuleysto isagoo messi ahaa kabtanka wadankiisa.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

COMMENTS
LINKS