|
|||||
WAJAALE NEWS
Tijaal Cawarrow maanta……. Somaliland!
July 11, 2015 - Written by Editor:“Politics without principle.” Qalin Maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Ciwaanka: Somaliland_author@yahoo.com Tijaal cawarrow maanta ayaad ugu fursad fiicantahay, dalkayga Somaliland waxaa jooga dad aan mabda lahayn, waxaana suuro gal ah in ay badan koodu ku raacaan, inkastoo aan jecelahay in ay jannada galaan oo ay ku caasiyaan. Hasayeeshee waxaan ku qiyaasay ama ugu maleeyay inaad maanta ugu fursad fiicantahay, dalkayga waxaa ka jira seddex xisbi oo kala ah;
Seddexdan xisbi midkood na mabda iyo yool cad oo uu ummadda ku kasbaday ma soo bandhiggin, mana leh, haddana mid ba ummadda dhowr boqol oo kun ayuu meel ku xarreystay. Xabsiyada ummaddu ugu xidhantahay waxay ku wareejiyeen taar lagu danabeeyay “Qabyaalad” oo aanay ka soo dhici Karin. Ammaanta axsaabtaas ayay ku dibin-jabaan tamartooda iyo wakhtigoodana inta ugu badan galiyaan. Intaana waxaa sii dheer in qaarkood lacagtooda ugu daraan. “Tijaal Cawarrow rabbi Naarta ha kugu fogeeyee, adigaaba diintu noo sheegtay inaad adduun iyo lacag badan ummadda ku fasahaaddinaysee, Axsaab aan lacag na bixin ayaa ummaddii qaybsaday.” Tijaalow dadkaygu midhqiyaaska waxa wanaagsan iyo waxa xun kuma cabbiraan’e waxyaabo kale oo ka mihiimsan ayaan daah-furnay, waxaana ka mid ah “ Hunguri iyo Qabyaalad.” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|