Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Shaqaaqii ka dhacday Jaamacada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Shaqaaqii ka dhacday Jaamacada Hargeysa.
July 27, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa markii u horaysay ka warbixisay shaqaaqo maanta ka dhacday Jaamacada Hargeysa.
Shaqaaqadan ayaa dhexmartay maamulka jaamacada iyo ardayda sanadkan qalin jabinaysa oo saaka u fadhiisanay imtixaankii ugu dambeeyay ee jaamacada.
Taliye Ku Xigeenka ciidamada Bileyska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay shaqaaqadani u dhacday iyo dad loo soo qabqabtay oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen arintan “Maanta oo ay bishu 27 ahayd jaamacada waxaa ka furmayay imtixaan, maamulka jaamacada ayaa nala soo hadlay waxay nagu yidhaahdeen ciidankii nala joogay toban noogu soo biiriya, anaguna ciidamo ka badan intii ayaanu u kordhinay iyo qoladii dhar cada ahayd, ciidankaasi shantii subaxnimo ayuu tagay meesha waxayna guteen hawlahoodii”Ayuu Yidhi Taliye Fooxle
Taliyuhu waxaa uu sheegay in dhibaatada jaamacada ka dhacday ay ka bilaabantay gudaha jaamacada “Dhibaatadaasi waxay ka bilaabantay jaamacada gudaheeda wax meelo kale kaga yimid maaha, ciidanku waxay ku wareegsanaayeen gidaarka qaarna albaabka ayay hor fadhiyeen, Laakiin ardaydii markii macalimiintii imtixaankii ula galeen ayay boobeen dabadeedna waxay jeexjeexaan iyo waxay daadiyaan ayay noqotay, Hawshaasina waxay ka bilaamatay jaamacada”Ayuu Yidhi Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Bileysku.
Taliye Ku Xigeenku waxaa uu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii dhibaatada gaystay “Markii la isqabsaday ardaydii ayaa bilaabay dhagax tuur afar gaadhi oo gudaha yaalay iyo lix dibada yaalay ayaa muraayadaha wax laga yeelay,Nimankii falkaasi gaystayna ciidamada bileysku hawlga ay sameeyeen waxay usoo qabteen16qof baadhistuna way socotaa cidii ay ku cadaatana sharciga ayaa la horgeynayaa.”
Taliyuhu waxaa uu ku dooday in ciidamada bileysku ka guteen waajibaadkii nabad galiyada isagoo iska difaacay eedo uga yimid maamulka jaamacada “Ciimadamada bileysku hawshii nabad galiyada ee waajibka loogu lahaa way guteen waxaan maqlayay niman leh taliyahaa shaqadiisa gudan waayay taliyaha ciidanku sidii xaqa ahayd ayuu hawshiisa u watay.”Ayuu Yidhi Taliye Fooxle.
Geesta kale,wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ayaa u mahadceliyay ciimada booliiska sida wanaagsan ee ay usoo afjareen shaqaaqadan “Waan hambalyaynayaa hogaanka ciidanka,Jaamacada Hargeysa waxaa dhigta lix kun oo arday oo ah badh bulshada ku nool hargeysa, Wixii maamul xumo iyo dhiba gudidu way waday mana jeclin in jaamacadaasi qax qashqashad ahi ku yimaadaan”Ayuu Yidhi Wasiir ku xigeenka arimaha guduhu.

Isku dhacyadan saaka dhex maray arday iyo hogaanka jaamacada hargeysa ayaa lagu tuhun sanyahay in ay ka dhasheen is marin waa ka dhex jira maamulka jaamacada iyo ardayda.Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale isku qabsadaan hogaanka jaamacada iyo ardayku balse waxaa jiray marar sidan oo kale dhacday.

 

COMMENTS
LINKS