“Sucuudiga Adhdiga Ayeynu u Dhoofin Jirnay Ee Maantana Ma Dadka Ayeynu u Dhoofinaa?……….Waxa Burco Laga Qorayaa Dad ” Mujaahid Dhego-Weyne. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sucuudiga Adhdiga Ayeynu u Dhoofin Jirnay Ee Maantana Ma Dadka Ayeynu u Dhoofinaa?……….Waxa Burco Laga Qorayaa Dad ” Mujaahid Dhego-Weyne.
July 20, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews)-Siyaasiga Col. Ibraahim Dhego-weyne oo kamida Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka Somaliland, ayaa ka digay Ciidamo Dawladda Somaliland u dirto Dalka Sucuudiga si ay uga qayb qaataan dagaalka lagula jiro Kooxda Xuutiyiinta ee gulufka kula jira dawladda Yemen.

Siyaasigan oo maanta Telefishanka HCTV kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xukuumaddu kun iyo shan boqol oo askari u diyaarisay inay u dirto Sucuudiga, halkaa oo looga gudbinayo Dalka Yemen.

“Maanta waxa Burco laga qorayaa Dad la doonayo in loo qaado sucuudiga oo la leeyahay waxay la dagaalamayaa Xuutiyiinta. dalka Yemen iyo Sucuudigu waa dal aynu walaallo nahay oo dhaqan iyo diin inaga dhexeeyaan,  inagu (somaliland), inaynu dhexdhexaadino maahee maaha inaynu dagaal ka galno maaha, sidaas darteed waxaan leeyahay dadkeena waar dadkiina ceshada la qaadayo ee dagaalka loo dirayo” ayuu yidhi Dhego-weyne.

 

Muj. dhego-weyne waxa kale oo uu sharci daro ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay in wakhtigii talada loo doortay ka dhamaaday. waxa uu ku doodday inaanay Maanta Xukuumaddu cid ku sheegi karin Sharci daro, balse iyadoo muddadii ka dhamaatay si xun looga tuuri doono Kursiga. “isagoo sharci daro ah oo iga liita ayaanu banaanka isugu imanaynaa Cali Waran-cadde”.

Waxa uu intaasi raaciyay “Dadkii bani’aadamka ahaa baa la leeyahay askar baa la idin qorayaa oo sucuudigaa la idin gaynayaa, oo sucuudiga Adhiga ayaynu u dhoofin jiraye ma dadkaynu imika u dhoofinaynaa. Sucuudiga xabbad baa ka socota, Xuutiyiintii Yemen bay is dileen, inagu waxaynu xaq u leenahay inaynu walaalnimo ku dhex dhexaadinno”.

Todobaadyadii u dambeeyey ayaa waxa dibada u soo baxayay warar sheegaya inay dawladda Somaliland ciidamo u dirayso dalka Sucuudiga, kuwaa oo ka qayb qaadanaya dagaalka ka socda Yemen. hase ahaatee warar kale oo arrinta ka duwan ayaa sheegaya in ciidamadaas loo dirayo Imaaraadka Carabta halkaasoo lagu soo tababari doono.

 

COMMENTS
LINKS