SOMALILAND: Nina Dhaqashuu Kuugu Dhabar Jabey Nina Dheef Buu Kuu Dhex Joogaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND: Nina Dhaqashuu Kuugu Dhabar Jabey Nina Dheef Buu Kuu Dhex Joogaa!
July 26, 2015 - Written by Editor:

Halqabsi:

Il bay doqoni leedahey nin xiga ay ku aragtaaye….

 Tix ka mid ah Gabayadii Gabyaa Dacar Ibraahim (AHUN).

Arrimaha yaabka ah wadankeena waxaa ka mid ah Milan Culus oo ka jira akhlaaqda guud oo aynu hidde wanaagsan u laheyn dhinac kasta waa hadalka, howraarta, hab-qoraalka, mutuxanaan marka la sameynayo tacbiir fikri ah si guud iyo si gaar ahba, iyo xaglin qaawan oo ay inta badan dadkeenu ku kacaan sababo kala duwan oo ay ugu weyn tahey qabyaalad iyo qof jecleysi ama necbeysi midba.

Haddiiba aad xiiseyso in aad wax qorto, waa waajib in si dhex-dhexaad ah isla markaana daraasad iyo hubin aad ku sameysey gundhig u ahaato gdubintaada. Waxaa kale oo muhiim ah dheelitirka dhinaca arragtida qoraalkaagu ku waajahan yahey.

Waxaan maanta maqaalkan kooban si guud mar ah wax uga qoraaya Muj. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo fikirkegya shaqsiga ah aan ku cabirayo haldoornimadiisa inta aan ka ogahey ama ka bowsadey noloshiisa shaqsiga ah. Waa wax furan in si dhexdhexaad ah loo hadlo ama wax looga qoro qof ama xaalad jirta iyada oo aan laga gufeyn akhlaaqda hab-qoraalka.

Muj. Muuse Biixi Cabdi waxaa uu ku dhashey Hargeysa isla markaa ka bilaabey waxbarashada Aasaasiga ah; Dugsi Qur’aan, kan Hoose iyo Dhexe. Dugsiga sare waxaa uu ku qaatey Camuud ee magaalada Boorame. Muj. Muuse waxaa uu uga gudbey oo ku biirey ciidanka militariga xilligii Soomaaliya ka dib markii uu dhameystey waxbarashada Aasaasiga ah isaga oo layli sarkaal ku tagey dhowr jeer dalkii Midowga Soofiyeeti la odhan jirey. Muj. Muuse waxaa uu ka mid ahaa CIIDANKA CIRKA waxaanu ka gaadhey derajada G/le Dhexe. Muj. Muuse Biixi Cabdi ka dib markii uu dhameystey tababar sare oo kuliyada abaanduulka ah oo ku qaatey dalka Mareykanka waxaa uu ku biirey Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM sannadkii 1985kii. “Hogaamiyonimada Muuse Biixi waxay soo shaac baxdey anaga oo 16 jiro ah markii dugsiga sare aanu galney” sidaa waxaa tiraabey Md.Cali Colhaye oo ka tirsan hay’ada IFAD oo ay isku ardey ahaayeen xilligii dugsiga Sare.

Markii Muj. Muuse Biixi ku biirey SNM waxaa uu la yimid firfircooni hor leh, hogaamin xoogan oo hufan, dhiirani aan gabasho laheyn, iyo laabsami uu si deg deg ah kula qabsadey degelkii jabhadnimo oo uu yimid muddo kooban. ‘waxaanu u saarney Muj. Buurane (AHUN) si aanu u baraq-jabino Taliyenimada Muj. Muuse balse ma uu gaban dababeedna waanu u sacabiney’ sidaa waxaa tiraabey Muj. Daa’uud Aakhiro oo Guutadii Afraad ee Max’ed-cali ka mid ahaa goobtuna waa xeradii Dabeyl-weyne, bilowgii homaamineed ee Muj. Muuse Biixi iyo goobihii halganka SNM ee guddaha Itoobiya.

 

Karaarka hormuudnimo ee Muj. Muuse ma uu hakan marnaba waanu sii xoogeysanayey marba marka ka dambeysa waxaanu muddo kooban caan ka noqdey saaxad-halgmeedkii hubeysnaa ee Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM dhinac walba, xag hogaamiye ciidan, siyaasiyan, iyo mid odeyninmo intaba. Muj. Muuse waxaa uu noqdey haldoor muuqda oo xawaare xoogan ku socda mar walba.

Gudagalkii 1988kii, Muj. Muuse waxaa uu ahaa Taliyihii Aaga Maka ee SNM ee galbeedka xuduud halgameedka. Waxaa uu Aaga Maka ku teedsanaa Laax-mulaaxo oo ku beegan Hawdka Oodweyne illaa dacalka xeebta galbeed ee Lawya-cado. Waxaa xuduud halgameedkan ka tirsanaa qeybaha 3aad, 4aad, 88aad, 5aad, 99aad, iyo 11aad kuwaasi oo dhamaantood lahaa jaran-jarada hogaamin ciidan.

Isla wakhtigaa halganka waxaa Muj. Muuse Biixi si weyn loogu xasuustaa sidii hufneyd ee uu u hagayey guddoonka shirweynihii 6aad ee Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM oo ku qabsoomey Xaruntii Halganka ee ALMIS-Balligubadle- bilowgii sannadii 1990kii isaga oo ka mid ahaa mid ka mid ah dhinacyadii sida weyn saaxada siyaasada iskugu hayey Cahdiga SNM balse marnaba ma ay qoonsan dhinacii kale ee ay is hayeen (QUNYAR Socod iyo CALAN CAS). “Si cajiib ah ayuu u majiirtey muddadii uu shirgudoonka ahaa Muus Biixi mana dhicin mar kaliya oo aanu ka aragney u xaglin dhinaca kooxdiisa ah” Sidaa waxaa tiraabey Muj. Rashiid Quule oo ka tirsanaa garabkii Qunyar Socodka oo kana mid ahaa Goob joogayaashii shireweynaha 6aad ee SNM oo Jiida MADIINA ka yimid waa xuduud halgameedkii Bari ee SNM oo uu Muj. Axmed Mire Max’ed taliye ka ahaa isla wakhtigaa gudagalkii 1988kii si la siman hogaaminta Muj. Muuse ee dhinaca Galbeed.

Wakhti kale oo mudan in aynu xusno xilliyada uu Muj. Muuse Biixi soo bandhigey hogaamiyenimadiisa waa markii dalka la xoreeyey iyo sida weyn oo nuu si miisan leh u muujiyey miisaankiisa hormoodnimo. “Berbera uma baahna ciidan” sidaa waxaa uu Muj. Muuse Biixi yidhi mar uu ka soo guryo noqday magaalada Berbera oo uu saxaafada kula hadleyey Hargeysa isaga oo ka digayey isu dhac ciidan oo ka dhasha fikiro siyaasiyan lagu kala duwanaa. Waa markan mararka dadka neceybka shaqsiga u qaba Muj. Muuse Biixi kuna fog yahey ay si weyn ugu talax-tagaan iyaga oo dhexdhexaanimada ku gefaaya. Waxaa ay ku halqabsadaan marka ay durayaan kelmad jawaab celin u aheyd su’aal hore loo yidhi xilli saaxada siyaasadu cakirneyd oo uu Muj. Muuse Biixi ahaa wasiirka arrimaha gudaha JSL. Waa markii uu yidhi “Aniga oo wax dili kara duco qaadan maayee’” balse iyaga oo xaglinaya ama aan xog ogaal aheyn waxay ay ku gafaan in ay tiraabaan hadalka keeney jawaab-celinta oo la wakhti ahaa waa markii ay siyaasiyan is hayeen laba garab oo isu muruxsadey laga soo bilaabo qalalaasihii Berbera oo garabkii ay ishayeen garabka Muj. Muuse uu afweynta u jarey siyaasiyan misna ay aad u macaasheen garabka Calan Casta oo Muj. Muuse ka mid ahaa. Dadka Muj. Muuse durayaa waxay ka tagaan hal-ku-dhigii ahaa “Ninkii qeyrkii loo xiirayow soo Qoyso adiguna” waa kelmadatan mida Muuse ku kaliftey hal-celinta oo kooxda quryar socodku intii qalallaasaha Berbera ay iclaamiyeen si qab leh ugu luuqeeyeen. Maalintan kelmada jawaab-celinta Muj. Muuse yidhi oo anigu aan ka mid ahaa dadkii dhegeysanayey KULANKII WACYIGELINTA EE KHEYRIYADA HARGEYSA. Gebi ahaanba dadka ku celceliyaa waa khaldaan ujeedadii iyo xikamkii Muj. Muuse ka lahaa. Waxaa cajiib ah oo kale in aanu marna Muj. Muuse qoonsan eexdan lagula kaco oo aanu gocan qardoofada lagu hayo. Waa si la mid ah geesinimadii uu sameeyey markii qalallaasaha Berbera laga aloosey isaga oo gebi ahaanba ka gaabsadey ku lug lahaansho hubeysan oo uu sameyn karayey kuna gar lahaa balse waxaa uu doorbidey in uu is xakameeyo. Waana mid tolkii iyo inta dhex-dhexaad ahba ku bogaadiyeen wakhtigaasi misna aanu ku mano sheegan si kasta oo uu u garamayo xilliyo lagu foogan yahey oo lagu urruro siyaasiyan.

 

Runtii labada kelmadood waxay ahaayeen haddalo ay isweydaarsadeen dhinacyo is haya siyaasiyan balse si qabyaaladeysan loo turjujmey xilligaasi. Waayo, waxaaba weedha hore ku saqiirey halqabsigeeda (Ninkii qeyrkii loo xiirayow soo Qoyso adiguna) garabka inta badan dadku raacsanaayeen aniguna aan aadka ula hayey oo taageere u ahaa intii koobneyd ee aan halganka hubeysan ka soo gaadhey oo cimrigu ii saamaxey. Waana garabkii inta badan saaxada ku xooganaa oo aad uga miisaan badnaa garabka uu Muj. Muuse ka mid ahaa. Garabkaasi oo guuldaro weyn kala kulmey qalallaasihii Berbera ee 1992kii iyo midkii 1994kii oo Hargeysa ka dhacey. Qul-qulatooyinkaas oo ay QUNYAR SOCODKU labada goorba si weyn ugu jabeen kuna lumiyeen misaankoodii siyaasiga ahaa. Waana mida guusha siisey garabkii Muj. Muuse ka mid ahaa taas oo u saamaxdey in ay ku naaloodaan saaxada siyaasiga ah illaa xilligakan aynu joogno wallow xullufooyin cusub oo hor leh ay soo shaac baxeen kuwaasi oo ay si culus isu waajaheen una hirdameen marar dhowr ah garabka Muj. Muuse ka dib guushii doorashada Xisbiga KULMIYE ee 26kii Juun 2010kii.

Muj. Muuse waxaa kale oo lagu xasuusan karaa, arrimo dhowr ah oo uu qabtey intii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa. Waa diyaarintii xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka JSL iyo midka lagu Aasaasey ciidanka booliska iyo sidii adkeyd ee lagu unkey CIIDANKA BOOLIISKA SOMALILAND. Arrimahaas ma aheyn qaar si fudud u qabsoomey balse dhib badan ayaa lagala kulmey. Mararkakan, Muj. Muuse waxaa uu adeegsadey dadkii aqoonta u lahaa howlakan kuwaasi oo maanta dhaxal aan duugoobin uga tagey ummadooda iyo dalkooda hooyo ee JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

Muj. Muuse mar walba oo xaaldu cakirmo waxaa uu ahaa mid tanaasula soona bandhiga si geesinimo leh oo ay dood furan ku lamaan tahey. “maya isma casilin Hargeysa oo qeybsana wasiir u ahaan mayo” ayuu Muj. Muuse yidhi mar la sheegey in ay shuruudo ka mid aheyd xilligii xaaladaha sokeeye dalka hadheeyeen. Markan Muj. Muuse waxaa uu si xilkasnimo leh u iclaamiyey sida ay uga go’an tahey badbaadinta iyo ka qeyb qaadashada wanaaga ummada iyo badbaadada dalka haddiiba siyaasiyan uu is-gowraciisu xal noqdo!

Gebo-gabada qoraalkeygan shakhsiga ah, mushkiladaha saaxada siyaasada Somaliland la kowsatey xilligan cahdiga cusub waa KALAMAAN ama aan idhaahdo MAAN BERRI IYO MAAN BILLAAL oo ka dhigan kala fogaansho dhinacyo badan marka laga eego faraqa u dhexeeya dadka ku hirdamaya saxaada siyaasada oo weli AAD curdin u ah isla markaana koriin xowli ah ku socota balse inooga baahan aqoon lagu hago, tacab joogto, iyo in qunyar socodnimo lagu daadihiyo.

Aan ku soo gunaanado, halku-dhigii qoraalkeyga “Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabey Nina dheefbuu kuu dhex joogaa”.

Illaahow xaqa na garansii mar walba adiga ayaa awood leh.

Allaa mahad leh,

Qalinkii:    Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

Cell Phone:         00 252 (0)63 4137470

Email:                  mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS