Somaliland: Labada Haween ee ka taliya Aqalka Madaxtooyada oo Cagta Mariyey 16 xafiis oo halkaa ku yaalay iyo Masuuliyiintoodii oo Fakaday! (Q3aad) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Labada Haween ee ka taliya Aqalka Madaxtooyada oo Cagta Mariyey 16 xafiis oo halkaa ku yaalay iyo Masuuliyiintoodii oo Fakaday! (Q3aad)
July 5, 2015 - Written by Editor:

Mar seddexaad iyo kulanti wacan , siday balanteenu ahayd waxaynu manta halkan kawada dhugan doonaa Qaybtii seddexaad ee Xogta ciwaankeedu dusha ku xusan yahay iyo Xafiiskii 16aad ee ku yaalay Qasriga Madaxtooyada ee Khadiija iyo Muraayo Cagta mariyeen .  Xafiiskaa 16 aad waa Xafiiskii BOROTOKOOLKA(PROTOCAL) ka .  Xafiiskaasi waxa uu ahaa xafiis aad iyo aad muhiim u ah Dawladnimada iyo habsami u socodka hawlaha madaxtooyada laf dhabar u ah , waxa uu ahaa xafiis madax kala saraysa iyo shaqaale tiro badan ba lahaa, xafiiskaasi waxa ay shaqadiisu ahayd  hagida nidaamka iyo kala habaynta u dhaxaysa Xafiisyada kala duwan ee ku yaal madaxtooyada iyo Bulshada danaha kale xafiis yada waxana uu ahaa Brige u dhaxeeya. Waxaa jiray nidaam lagu maamuli jiray oo ahaa in waraaqo ogolaanshiyo ah loo diyaariyo qofka u baahan ama dani kaga xidhanto xafiis kamid ah kuwa madaxtooyada illaa Madaxweyne ba ha noqotee. Xafiiskaa waxaa markii u horeysay Madax ka ahaa Mudane Maxamed Cilmi ( Ilkacase) agaasimaha hadda ee warfaafinta . waxaana markii dambe badalay Mudane , Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim ( Saqadhi) oo loo magacabay April 2012.

 

Haddaba, xafiiska waxaa in muddo ah ka taagnaa khilaaafaad aad u cakiran oo u dhexeeyey Masuliyinta xafiiskaa iyo  Taliyaha ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo ah Shakhsi macan-gag ah oo aad ulasoo shaqeeyey Kaligii taliskii Afweyne waxaana uu  taageero balaadhan ka haysta  haweenayda ku amar ku taaglaysa awoodaha madaxtooyada Marwo Khadiija Macalin. Waxaana marar dhawra oo hore ka dhacay iska hor immaadyo gacmaha la iskula tagay oo dhexmaray Muwaadiniin dano ka lahaa qasriga oo Warqado ogolaanshiyo ah ka sitay Xafiiska Protocolka iyo Ciidanka Madaxtooyada oo uu hor kacayo  Taliye Axmed Cali Maygaag. Arimahaas oo gaadhay illaa Xafiiska Madaxweynaha . waxaa kale oo dhacay fool xumooyin aad u daran oo dad muwaadiniin si sharci ah usoo galay oo warqado ka sitay Xafiiska protocolka  oo ku jiray gudaha qasriga in Qoorta lasoo qabtay sida maxaabiista oo dibeda laga soo dhigay madaxtooyada. waxay arimaasi socdaan ba waxaa markii dambe gabi ahaanba la wareegay nidaamkii protocalka Axmed Cali Maygaag iyo ciidankiisa Illaalada Madaxtooyada, waxaana Meesha laga saaray guud Ahaan Xafiiskii protocalka Qasriga waxayna hadda isku bedeshay meeshaasi Xaruntii taliska Ciidanka qaranka. Waxaana akhristayaal markhaati inoogu filan Dhacdadii u dambeysay ee lagu eekaysiiyey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ciidamada la wareegay nidamkii protokolka ee qasrigu u gaysteen dhaawacyo dhakhtarka loo dhigay.

Gabagabadii ; tanina waa isku dayadii Haweenka talada qasriga la wareegay ay baalasha kaga rifeen Masuuliyiinta dabaqa kowaad ee qasriga. Runtiina waa foolxumo iyo wax laga yaxyaxo in uu lumo nidaamka Qasriga looga arimiyo dalka iyo in sidii kalis-talisnimada loo badalo nimaamkii dawladnimo ee suubaanaa mida Milatari .

 

Wabillaa tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

 

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS