|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Miisaan Culus Ku Leh Gobolka Gabiley Kana Mid Ah Shaqsiyaadka Xukuumada U Dhow Dhow oo La filayo In Uu Ku Biiro Xisbiga Wadani .
July 5, 2015 - Written by Editor:Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Oo U Muuqata Mid Qaaday Jidkii Guuldarada Iyo Siyaasi Mudo Badan Ka Mid Ahaa Rukunada Xukuumada Oo Lafilayo In Uu Udiga Rogto Xusbiga Mucaaridka ah Ee Wadan+Saamaynta Uu Ku Yeelandoona Gobolka Gabiley. HARGAYSA(Wajaalenews) Xukuumada madaxwayne siilaanyo ayaa hada mudo xileedkii ladoortay Dhamaaday iyadoo kursiga kusii fadhida mudo kordhin lagu muran Sanyahay oo ah laba sano, tasi oo aan lagaran karin waxa rasmiga ah ee lagu heshiindoono. mudadaa xukuumada siilaanyo talada dalka haysay ayaa waxaa jiray siyaasiyiin miisan culus ku leh dalka oo xili walba hiil iyo hoo lagarabtaana iyagoon wax xilina ka hayn hadafkooduna ahaa sidii uu uguulaysan lahaa barmaamijkii xusbiga kulmiye Bulshada u soo bandhigay, Hadaba madaxwayne siilaanyo ayaa mudooyinkii udanbeeyay wuxu qaaday jid ka duwan kii lagu soo doortay waxayna siyaasadiisii noqotay mid gabi dhaclaynaysa taasi oo sobobtay in saaxiibadiisii siyaasada baalmarsan una xaglinaysa cidkasta oo kasoo horjeeday himiladiisii ahayd in uu kursiga dalka ugu sareeyo ku fadhiisto, Maxaa keenay xiligan in madaxwayne siilaanyo xilal u magacaabo xubno hagardaamooyin badan usoo gaystay xiligii uu ololaha ku jiray? Tusaale ahaan wasiirkuxigeenkii arimaha dibada ee xukumaddii Daahir Riyaale Axmed kayse oo safarkii madaxwayne siilaanyo ku tagay dalka maraykanka isagoo markaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahaa amarka ku bixiyay in aanu siilaanyo dalka soo galin oo uu yahay danbiile qaran, Axmed kayse hada siilaanyo wuxu u magacaabay xilkiisii xiligaa uu hayay ee wasiirkuxigeenka arimaha dibada, Shaqsiyaadka kale ee madaxwayne siilaanyo sida tooska uga soo horjeeday hadimoyin badana u gaystay hadana ah kuwa ugu dhaw waxaa kamida Cabdifataax oo hada ah lataliyaha arimaha haayadaha. Mr Qabo oo isaguna ahaa dadkii ololaha adag u galay sidii madaxwayne siilaanyo dacwad loogu furilahaa xiligii tartanka ururada siyaasada. Dhacdooyinka iyo kuwa kale oo badan ayaa wuxu madaxwayne siilaanyo ku wayayaa xubno lafdhabar u ahaa dawladiisa iyo xusbiga kulmiyeba Hadaba warar xogogaala oo ku dhaw hogaanka xisbiga wadani ayaa tibaaxay in maalmihii udanbeeyay ay shirar hoose uu lalahaa siyaasi Eng Xuseen Aadan cige (Xusen Dayr) kamida siyaasiyiinta gobolka gabiley saamayn wayna ku leh gudaha iyo deibada in lafilayo in uu dhawaan udigo rogto xisbga mucaaridka ah ee wadani. Shirarka ayaa sida ilo wareedyadu tibaaxeen dulucdoodu ahayd sidii ay xisbiga wadani ugu soo biiri lahaayen siyaasiyiin culus oo u hogaaminayo eng xuseen dayr. majiro war rasmiya oo kasoo baxay dhinaca siyaasiga Eng xuseen Dayr Eng xuseen Aadan cige ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka xukuumada madaxwayne siilaanyo ku difaaca qalinka bulshada si cilimiyaysan ugu soo bandhiga waxqabada xukuumada, oo masuuliyiin badan oo xil haysaa ku guuldaraysteen in ay shacabka ku qanciyaan guulaha xukuumada ay kamidka yihiin sidoo kale eng xuseen dayr ayaa lagu xasuustaa soo bandhigida dhibta ay leedahay qabyaalada oo mucaaridku tilmaamaan in siilaanyo kow kayahay kor u kaca qabyaalada.
Si kastaba ahaa tee arintan ayaa saamayn way ku yeelandoonta taageeradii madaxwayne siilaanyo ka helijiray gobolka gabiley oo xiligan u muuqda mid madaxwayne kalsoonidiisii lumiyay Waxa kale oo bulshada reer gabiley marwalba hortaala jidkii uu mariyay haldoorkii gabolka, Ay kamid ahaayeen. Labadii taliye ee ciidanka qaranka. GEN; Nuux Taani Gen Maxamed Xasan (Jidhif) Dr Maxamed cabdilaahi cumar Muj Boobe yuusuf ducaale Cabdicasiis Maxamed Samaale Muj Abiib diiriye Nuur Abiib timacad Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Faysal kaamil ciise Dhamaan haldoorkaa isku haybta ah wuxu madaxwayne siilaanyo mariyay jid isku mida Dhacdadii ugu danbaysay ayaa ahayd tii Gaaraacis iyo jidh dil madaxtooyada dhexdeeda loogu gaystay xildhibaan xasan cawaale caynaan oo kamida xildbinaada gobolka gabiley ahaana xildhibaankii ugu codka badnaa xisbigii Udub.
Diga rogashada siyaasi Eng xuseen dayr wxii kasoo korka kala soco warbaahinta
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO; Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre. U M... Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Jsl Oo ka Hadlay Sobobta Axmed Siilaanyo Uga Qaybgali Waayay Shirka... Madaxdhaqameedka Beesha Sacad Muuse Oo Ka Hadlay Go,aankii Gudida Habar jeclo Soo Saaray Iyo Baaqa A... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|