|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland Oo Saaka Socod Lug Ah Ku Bilaamay Iyo Balanta Sabtida + Sawirro
July 23, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Waxa maanta magaalada Hargeysa ka bilaamay shirkii isbahaysiga mucaaradka Somaliland ku dhawaqeen, waxaanu shirkaasu uu ku bilaamay jawi ka duwan jawigii la filayey inuu shirku ku bilaamo, isagoo ku bilaamay socod lug ah oo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaraadka ah iyo ergooyinkii kale ee ka soo qayb-galay ku lugeeyeen Hotel Hadhwanaag ilaa maxakamad Sare ee Jamhuuriyada Somaliland,
Geesta kale Maxakamada Sare ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta si cad shaaca uga qaaday Inay xisbiyad Mucaaaradka Somaliland qabsan karayaan shirar oo aanay xukuumadu is hor taag karin, isla markaana waxay Maxakamada Sare u soo jeedisay wasaarada arimaha gudaha iyo Taliyaha ciidanka Booliska inay ixtiramaan Xuquuqda uu Distuurku u siiyey inay qabsadaan asxaabta mucaaradka ahi shirar,waxaan xusid mudan inay goobta garnaqsiga fadhiyeen masuuliyiinta labada Xisbi mucaarad oo maalintii shalay ahayd iyagu dacwada ka dhanka ah Wasiirka arimaha Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska u gud biyey Guddoomiyaha Maxakamada Sare,waxa iyana xaadir ahaa Cali warancade iyo fadalka la dacweyeey. Dhanka kalena waxa go’aanka maxakamada Sare ka dib markii lagu dhawaaqay ka falceliyay masuuliyiintii ka socday dhanka Xukuumaadda waxaanay sheegeen inay aqbaleen gartaa lagaga guulaystay, isagoo wasiirka arimaha guduhu sheegay in Hotelada ay ku qabsan-karayaan mucaaradku shirkoodii ay ku baqeen,waxa iyana soo dhaweeyay Go’aanka Maxakamada Masuulyiinta xisbiyada mucaaaradka Somaliland, iyagoo goobta ka sheegay inay ku faraxsan yihniin sida cadaalada ah ee uu guddoomiyaha Maxakamada Sare uga gar-naqay dacwadaa, waxaanay shacabka Somaliland ugu baqeeen inuu hagaagay Garsoorkii Somaliland ee laga caban jiray. Guddoomoye Cirro iyo ku-xigeenkiisa + Musharax Jamaal Cali Xuseen oo wuu weliyay Ku-xigeenkiisa Md. C/rashiid Xasan Mataan oo war-baahinta la haddlay ayaa u sheegay inuu shirkii ay isbahaysiga mucaaradku ku baqeen ku bilaamay socod kuna dhammaan doono fadhi , waxaanay iyagoo faraxsan markale lug ugu jarmadeen dhankaa iyo xafiiska guud ee xisbiga UCID oo ay cabaar ku hakadeen waxaan barxadii hore ee xafiiska soo buux dhaafiyey boqolaal tageerayaasha mucaaradka ah oo ku farax sanaa go’aanka ka soo yeedhay maxakamada Sare ee Qaranka,intaa ka dib waxay u kici timeen xafiiska Guud ee Xisbiga WADDANI oo ay isna saxaaafad war-ku siiyeen. Si kastab ha-ahaatee garani laba nin kama wada qosliso’e waxa farxad iyo damaashaad kala huleelay Hoolka Maxakamada Sare Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, halka ay kooxdii Xukuumadda Siilaanyo ka Socotay iyagoo hoos u foorar ka soo baxeen hoolka Maxakamada Sare, iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkii la qaban doono maalinta Sabtida ah ee fooda inagu soo haysa
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|