Shaydaan Ma Ku Shuqul Lahaa Soo Dejintii Waxyiga? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaydaan Ma Ku Shuqul Lahaa Soo Dejintii Waxyiga?
July 19, 2015 - Written by Editor:

“Mahad oo dhami waxay u sugnaatay Allihii ku soo dul dajiyey adoonkiisa(muxamed) qur’aan ka, ee aan u yeelin(kitaabkaas) qallooc, deel-qaaf, laaxin, iska-hor-imaad, is khilaaf, been abuurad iyo wax allaaliyo wixii nusqaan ah ee hadal leeyahay”. Waa kitaab ka soo degay oo ka yimi Allihii unkamay ee abuuray dhulka iyo cirka sare, Allihii ka kormaray carshigiisa, Allihii ogaa waxa ku sugan ee ka socda cirka, dhulka, inta u dhaxaysa, iyo weliba wixii hoos mara ee ka hooseeya ciida. Allihii ay isugu midka ahaayeen(ogaanshihiisa iyo maqalkiisa) hadalka kiisa lagu dhawaaqo iyo kiisa la qarsado. Allihii xaqqa ahaa ee isaga kelidii in la caabudo xaq u yeeshay, una sugnaadeen magacyada wanaagsani.

bilaal

Waa kitaab loo soo dhiibay, oo uu keenay, Nebi Muxamed na (NNKH) uu ku soo dul dejiyey ruuxdii la aaminey ee ilaahay aaminay( waa malakul jibriile). Waa kitaab hortii iyo gadaashii aanu baadil ka imanaynin, waa kitaab rumaynaya kutubtii isaga (Qur’aanka) ka horaysay, waa kitaab aan caadi ahayn oo jin iyo insi toona la iman Karin mid la mida ah isaga(Qur’aanka) badhkoodba badhka kale ha kaashadeene. Waa kitaab dhamays ah oo koobaya dhammaan hab-nololeedka banii aadamka. Waa kitaab joogaya oo baaqi ku sii ahaanaya oogada dhulka illaa inta Ilaahay doono, lana jaan-qaaday, la jaan-qaadaya, lana jaan-qaadi doona dhammaan ummad intii ilaahay ugu talo galay dhulkan guudkiisa.

Aan hoos ugu daadego maqaalka iyo ujeedada aan u qoraye, waxa beryahan soo batay warar sheegaya in diinta(Islaamka) weerar lagu hayo, oo kolba dhan looga soo wareegayo, dhalleecaynteeda, burinteeda, baabi’inteeda, shaki gelinteeda, iyo weliba quudhsigeeda iyo hoos u dhigeeda, iyada oo looga dan leeyahay in muslimiinta weerar dhanka diinta ah lagu qaado. Iyada oo la doonayo in diinta iyo nolosha la kala saaro, ujeedada laga leeyahayna ay tahay, sidii muslimiintu ugu noolaan lahaayeen dulli iyo daciif-nimo ka daran dulliga iyo jileeca maanta ay ku noolyihiin ee ay iyagu(muslimiintu) is badeen, ase aan Ilaahay badin. Waxa aan wax lala yaabo ahayn weerarkaa iyo nacaybkaasi lagu hayo diinteenna suuban ee ilaahay amaanay, ee ay ku hayaan shayaadiinta iyo intii raacdayba, waayo; ma jiro nebi la soo diray, illaa cadaw ka fallaagoobay diinta uu waday, buu lahaa, cadowna u ahaa isaga iyo diintaba . Laga soo gaadho nebigii Alle ee muxamed(NNKH) illaa maantadaa aad nooshahay, diinta islaamku cadow waa lahayd, waana leedahay, waana lahaan doontaa illaa intii ilaahay doono.

Hadaba su’aasha is waydiinta leh waxay tahay? Hadii cadowga diintu weligiiba soo jiray, waxan ay ka hadlayaanna(soomaali maxamed) ay tahay weerar diinta islaamka lagu hayo, Ma imikuunbay ogaadeen oo ku baraarugeen in diintu cadow leedahay? Mayee adeer Baroortu orgiga ka wayn!.

Haa, weligiiba islaamku cadow waa lahaa, weerarna waa lagu hayey diinta islaamka, laakiin waxa ugubka ah ee fajicisada nagu noqotay waxay tahay, cadowgii la isla garanaayey inuu cadowga islaamka yahay, mid aan ahayn, oo aan laga filahayn, baa yimi; oo isna u baahan in dagaal cusub oo isna ugub ah lala galo. Waa soomaali, muslim ah, waalidkaa, ilma-adeerkaa ama saaxiibkaa ah, oo doonaya in uu shaki iyo shubahaad ku dhex faafiyo bulshada uu la nool yahay dhexdeeda, bulshadaasi oo ah soomaali islaam ah. Iskuma haysto isagu in uu qaldan yahay, waayo wuxuu isku qancinayaa, aqoon yahan wax badan akhriyey baad tahay! Oo sokeeye iyo shisheeyeba qoreen, haw badnaadeen shisheeyebee! Caqlina meesha waad ku haysaaye, aduu wax kala shaandhayso. Oo bulshadii kale ayaabu daallac u raacayaa, iskuna qancinayaa in ay maangaabiin aan waxba ogayn yihiin dadkani. Yaa miskiin! Aqoonyahanku micnaha uu leeyahayba aad uma dhuuxin. Yaa miskiin! Diintii uu sheeganayey ee islaam ahayd iyo Allihii abuurayba aqoon ku filan uma laha, hoogiise! Isaga oo kitaabkii Alle aan si wanaagsan u kala furin, tafsiirkiisa iyo tadabburkiisa, ayuu ku qamaamay oo ka door biday kitaab uu makhluuq isaga la mid ah, oo weliba ka liitay oo gaal ahaa uu qoray, markaasuu aragtiyihiisii doonayaa inuu ka hor keeno aayado Ilaahay ku cad-caddeeyey kitaabkiisa iyo axaadiith rasuulku ku kala dhig-dhigay sunnadiisa. Qaarkoodna iyaga oo ah qaar aan waxba saa u sii akhriyin, diintana ka aradan ayey is qanciyeen, caqligoodana ku mabsuudeen, laakiin halkii ay “Alxamdulillaah” iyo mahad alle ka celin lahaayeen, bay kusoo kala jeediyeen diintii iyo xukumadii alle, dooneenna in ay shay kasta oo diintu sheegtay xikmada loo sameeyey iyo sababta la inoo amray ogaadaan. Kaalayoo hadaba aduu marsii, midbaad ka qancinoo, intuu isagoo aamusan tago, ayuu hadana maalinta dambe su’aal aan caadi ahayn kuula imanayaa, ma nin la wataad aduu joojin kartaa?! Bal adba!.

Hadaba labadaa cadow, ee midi shisheeyaha warkiisu cad-yahay yahay, midina kan sokeeyee wax kharribaya yahay, waxa aan aaminsanahay in uu daran yahay kan sokeeye ee aadan iska filanaynin, ee kaliya aad ku baraarugayso goor uu duufsaday bulshada inteedii badnayd, oo caamo isaga badan.

“Libaaxa aamusan iyo ka soo qayliya, ka soo qayliyaa daran” bay soomaalidu ku maah-maahday, oo loola jeedo cadowga laga digniin helo ama ay colaaddiisu caddahay inuu ka roonyahay, midka qaylo la’aanta kugu soo gala ee adiga oo aan iska jirin dhan walba kaa wareema. Hadaba qoladani waa libaaxaa dambe ee adiga oo aan iska filayn dhan walba kaa wareemaya.

Hadaba ujeedada ugu wayn ee aan maqaalkan uga gol-la’aa waxay ahayd odhaah ka timi libaax yadaasi dambe afkooda, oo ahayd waxyigan(Quraankan) soo dejintiisii waxa qayb ku lahaa Shayaadiin soo dhegeysatay malaa’igta samada ku sugan. Taas oo macnaheedu noqonayso, in dhammaan diinta shaki ku jiro, maadaama uu shaydaan waxyiga ku shuqul lahaa! Subxaanallaah.

Aan hadaba idiin soo gudbiyo aayado qur’aan ah iyo axaadiithe; Caadiyan shaydaan oo ah kii ugu horeeyey wax Ilaahay amarkiisa khilaafa, kuna khilaafay indho-adayg iyo isla wayni, kadib markii uu toos u diiday amar Alle halkiisa ka yimi oo ahaa in fooda loo foorariyo ama dhulka loo dhigo nabi Aadam, cilmigii alle baray ee cajsi geliyey malaa’igta awgeed, ayaa markii dhulka loo soo daadajiyey labadoodaba (Jinni iyo Insi), ayaa Ilaahay ballan ku qaaday in ibliis iyo ilma banii aadamba uu naarta hoy uga dhigi doono, ayyo mooyee? Ilaahay(sw) waxa uu ka soo reebay keliya kuwii raaca hanuunka, hanuunkaasi oo ka imi halkiisa, kuna soo degaya ambiyada. Ibliis na waxa uu ballan ku qaaday in uu duufsan doono addoomaha alle intii uu awoodo, balse ballan kuma qaadin in uu malaa’igta hanuunka soo dejinaysa uu ka soo xadi doono waxyiga, oo inta uu been abuurad ku daro kusoo dul dejin doono ambiyada Alle, umana habboona, mana awoodana. Allena duufso ayuu ku yidhi adiga oo adeegsanaya dhammaan shirqooladaada, shirqooladaas oo uu ka mid yahay shubahaadka(shakiga) uu dadka kaga rido diintooda, waana kan ku dhacay masaakiintan dambe ee aan waxba ogayn, hadana iyagii adeegsaday si uu usii faafiyo waxaa uu iyaga ku qanciyey ee shaki diinta ka galay ah. Shaydaan intuu diintii iyo waxyigii dhalan rogay tallan(shaki) kama imane, diintii iyo waxyigii oo sidoodiiya ayuu isku dayey in uu tallan ku abuuro, su’aalo badanna ku qasbay in dadka qaar is waydiiyaan. Su’aaluhuna waa albaabka laga galo tallanka.

Hadaba jinku/shaydaanku waxa uu fuuli jiray samada, soona dhegaysan jiray qorshayaasha uu alle go’aamiyey ase aan la fulin weli, ee malaa’ikta samada joogtaa ay ka sheekaysanayaan illaa laga soo gaadhay wakhtigii Nebi Muxamed(NNKH) uu ku billowday waxyigu.

Sida ku xusan xadiithka C/laahi Ibnu Cabbaas(rc) ee ay soo saareen Bukhaari iyo Muslim ba, Markii rasuulka la soo saaray ayaa jinka iyo shayaadiintaba laga soo dambaabureeyey meel ay samada ka fadhiisan jireen “sida ku xusan suurada Al-Jinn/Qul uuxiya, aayada 9aad, waxay lahaan jireen jinku/shayaadiintu meel ama goob xaqiiqo ah oo ay ka fadhiisan jireen samada kana dhagaysan jireen waxyaalaha uu ilaahay xukmiyey” ka dib waxa ay isku dayeen in ay samadii raadiyaan oo ay ka fadhiistaan meeshii ay awalba ka fadhiisan jireen, balse waxa ay la kulmeen oo ay arkeen in xaaladu ka duwantahay sidii hore, waxaanay arkeen samadii oo laga buuxiyey waardiye(gaadh/malaa’ig) adag, dhimbiilo iyo dambaaburooyin diyaarsan oo waxay yaqiin sadeen in aan cidi fooda la geli Karin samada, sida ku xusan Suurada Al-Jinn/Qul uuxiya, aayada 8aad.

Jinkii/shayaadiintii oo aad u yaaban ayaa waxa ay is waydiiyeen isbadalkan dhacay, iyo waxan sababay in samada oo ay meel la fadhiisto ku lahaayeen, in ay fooda gelin kari waayaan!; markaasay yiraahdeen; toloow Ilaahay ma shar buu la rabaa cida dhulka ku sugan oo cadaabbaa ku soo socda, mise kheyr buu la doonayaaba oo wanaagbaa ku socda?!(72/10). Kadib waxa ay isku qaybiyeen kooxo, kooxahaas oo loo kala diray caalamka, si ay u soo ogaadaan waxan cusub ee kusoo kordhay caalamkii waxa uu yahay, illeen garteen in isbadal meeshii ka dhacaye. hadaba koox kooxahaasi jinka ah ka mid ah oo loo diray Ardul Xijjaas(Sacuudiga) ayaa waxa ay la kulmeen rasuulka(NNKH) oo koox asxaabtiisa ka mid ahi la socdaan, meel Makka iyo Daa’if u dhaxaysa oo “Nakhla” la yidhaahdo, halkaa oo salaadii subax uu nebigu ku tujinayo asxaabtiisii, qur’aanna akhrinaya, meeshiibay istaageen, qiraa’adii bay dhageysteen, markii ay dhageysteenna qalbigoodii ayuu u dhaadhacay oo waa ay rumeeyeen, markii ay rumeeyeenna waxa ay ku laabteen qabaa’ishii jimeed ee ay ka yimaadeen, waxaanay gaadhsiiyeen qur’aankii ay soo maqleen, xaqii iyo iimaankii ay soo rumeeyeen. Kadib suurada Al-Jinn/Qul uuxiya ayaa soo degtay oo nebiga loogu sheegayo in koox jinka ka mid ahi ay dhegaysatay nabiga oo qur’aan akhrinaya oo deetana ay rumeeyeen.

Jin iyo shaydaan oo samadu saa ka ahayd intii waxyigu kusoo degaayey rasuulka(NNKH) oo ayna fooda gelin samada, hadii ay isku dayaanna ay kala  kulmayeen cadaadis iyo manci aad u daran oo usaamixi waayey in mid iyaga kamid ahi uu gaadho meeshii ay awalba fadhiisan jireen, maan-gal miyey tahay in lagu doodo shaydaanbaa waxyiga malakul jibriil lasoo dejiyey oo soo degistii waxyiga ayey ku shuqul lahaayeen? Ma moodaa in uu goobjoog u ahaa! Maxaa daliil cad oo cilmiyeysan ee uu u hayaa odhaahdiisaa? Mise been abuurad ayuu wadaa oo  umada ayuu doonayaa in uu ku lumiyo wax malayn iyo shaki aan dhaafsiisneyn ase aan ku dhisneyn cilmi?.

Su’aashan iyo doodan mid la mid ah oo aan sina uga duwaneyn waxa keenay kufaartii Quraysheed oo yidhi; “ninkan muxamed meesha waxba kuma hayee kaahiniinta iyo sixiroolayaasha ayuu la shaqaystaayoo, waxan uu waxyiga ku sheegayaa waa inyaroo intay shayadiintu malaa’igta ka soo dhegaysatay ay been aan xad lahayn ku dartay”. Waa se loo jawaaboo laga jaahil saaray (walow ayna badankood waxba ku qaadan) halka uu ka imid waxyigu, iyo sababo aan uba saamaxayn in shaydaan waxyi soo dejiyo.

Dhamaadka suurada “Ash-shucaraa’”  ayuu Alle(swt) ku sheegay in aanay shayaadiini soo dejinin waxyiga, aanayna  uba haboonayn soo dejintiisa; oo sideebay ugu haboontahay, quraanku waa hadal xaq iyo toosnaan ku dhisan oo dariiqa toosan dadka ku hagaya, shaydaanna waa mid dadka baadilka iyo qalooca iyo dariiqa leexsan dadka ugu yeedhayee, miyeyba isku haboon yihiin? Hadii xataa ay dhici lahayd in ay isku haboonaadaan, ma isagaaba karayaba inuu soo dejiyo quraanka, waayo dhegiihiisa ayaaba laga daboolay, oo meeshii quraan lagu akhriyaba waa ka firdhadaaye!.

Al xaasil al muraad, nimankaasi laba waa midkood; in ay qur’aan akhrintii iyo micnihiiba ay ka aradan yihiin oo aanay garanaynba aayadahan, ama in ay arkeenoo ay dhegaha iyo caqliguba dhankale u jeedaan wax kalena u muuqdaan.

Badow duur kasoo galiyo,

Dheg demani dabiib malohoo,

Ma dawayso waanadu.

Se waxaan ku talin lahaa; qofafkaasi inagama foga oo waa dadkeenii oo la sito e’ aynu u gurmanno intii dedaalkeenna ah oo yeynaan iyagiyo shaydaan u kala hadhine aynu kasoo reebanno cadawgaa jiidanaya in shaa allaah.

Wa billaahi attawfiiq.

W/Q:  Maxamed Mukhtaar Cali “Bilaal”

Medical student at Hargeisa University.

Actor at Health Poverty Action.

 

COMMENTS
LINKS