R’iisul Wasaaraha Somalia oo Booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee Degmada Qardho iyo waxyaabihii uu kala kulmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
R’iisul Wasaaraha Somalia oo Booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee Degmada Qardho iyo waxyaabihii uu kala kulmay
July 18, 2015 - Written by Editor:

Qardho (Wajaalenews) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Bariga Afrika oo si KMG ah ay u dagan yihiin Qaxootiga Yemen ee isaga soo cararay dagaallada ka soconaya dalkooda.

sharmake 1 sharmake 3 sharmake 4

Sharma’arke ayaa Xeradaas kula kulamay waxana uu halkaas kula hadlay boqolaal ka mid ah qaxootiga, isagoo u sheegay dowladda Soomaaliya in ay gacan siin doonto dadka reer Yemen ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalkooda.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa sheegay Xukuumadda Somalia in degmada Qardho ay u soo diri doonto xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ula socdaan baahida gaarka ah ee dadka soo barakacay si gurmad ku filan loogu fidiyo, horeyna ay gacan u siiyeen xiligii dalkooda kasoo barakeen. Wuxuuna u mahadceliyay shacabka iyo maamulka Puntland, isagoo tilmaamay inuu aad uga xun yahay dagaallada ka dhacay Yemen.

 

“Dalalka Somalia iyo Yemen waa labo Waddan oo walaalo ah aadna isugu dhaw dhalasho ay ka dhaxayso, sidaa darteed waxaan rabbi uga baryayaa in dabka dagaalka uu ka damiyo, waxaan dhawaan soo dirinaynaa guddi ka socda gudiga Qaxootiga Qaranka, kuwaasoo garab-siin doona dadkan dhiban,” ayuu yiri RW Sharma’arke oo ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga ah in loo gurmado dadkan.

 

Magaalada Qardho waxaa ku sugan Qaxooti Gaaraya 400 oo kasoo barakacay Yemen, waxana dib u dajin loogu sameeyey Qaybo ka mid ah Puntland Somalia iyo deegaanno kale.

 

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa dadaal ku bixisay sidii Qaxootigaas kasoo Qaxay Yemen ay u heli lahaayeen goobo ay dagaan iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin oo dhameystiran.

 

COMMENTS
LINKS