Real Madrid oo Ogolaatay inuu Iker Casillas ka Tago iyo Waliba Kooxda uu Tagayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid oo Ogolaatay inuu Iker Casillas ka Tago iyo Waliba Kooxda uu Tagayo.
July 9, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Kabtanka kooxda real Madrid Iker Casillas ayaa macsaalamayna kooxdiisa Sida ay qortay jariirada Marca, kooxda Spain ee Real Madrid iyo FC Porto ayaa ka heshiiyay goolhayaha Iker Casillas

IKERIker csillas ayaaa ah kabtanka kooxda real Madrid iyo waliba waxaa uu sidoo kale yahay kabtanka xulka dalkiisa ee spain, heshiiskan oo ay isla garteen oo lagu heshiiyey in uu u wareego kooxda FC Porto isagoo in badan joogay real Madrid ayaa manta macsalaamaynaya kooxdiisii uu waayaha badan ku soo qaatey.

Iker Casillas oo mudooyinkii ugu danbeeyey lagu arkeyey kursiga keydka isagoo intii uu joogay kooxda real Madrid ayaa u fasaxday xiddiga inuu ka tagi karo kooxda isagoo intii uu kooxda joogay la qaaday koobab faro badan intii uu ku jiray waayihiisa nololeed.

Maalinta beri ee Jimcaha ayaa la filayaa in uu Bernabéu ku macsaalaameyn doonaa goolhayahan taageerayaasha kooxda.Tani waxaa ay ka dhigan tahay safka koowaad Real Madrid iney ka sii dhamaanayaan xidigaha Spain u dhashay halka Ramos isagana Man United ay raadineyso.

Hargaysa office

Wariye Maxamed Cali

 

COMMENTS
LINKS