Raysal Wasaaraha Somaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Magaalada Cadaado | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Somaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Magaalada Cadaado
July 13, 2015 - Written by Editor:

Cadaado(Wajaalenews)  — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Galabta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo uga sii gudbay xarunta Puntland ee Garoowe, waxaana intii uu joogay Cadaado uu kulammo la yeeshay Hoggaanka Maamulka KMG-ka ah ee Galmudug.

sharmake sharmake 2

Sharma’arke ayaa la kulmay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guulleed iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xaashi Cabdi, isagoo ugu Hambalyeeyay Doorashadooda, wuxuuna ku boorriyay inay sii wadaan dib u heshiisiinta iyo raadinta Nabadda si loo gaaro xasillooni Siyaasadeed oo deegaanka ka hana qaado.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Warbaahinta kula Hadlay Madaxtooyada Cadaado ayaa sheegay in Ujeeddada uu RW Sharma’arke Maanta u soo gaaray Cadaado ay tahay sidii ay u kala warqaadan lahaayeen dowladda dhexe iyo Maamulka Galmudug.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa doorashadii dhawaan ka dhacday degmada Cadaado ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaanan sii Wadi doonnaa Dhiirri-gelinta iyo Taageerada Maamulka KMG-ka ah ee Galmudug. Waxayna diyaar u tahay xukuumaddu inay Qayb ka Qaadato dhamaystirka maamulka oo bilow u ah Horumar waara oo laga gaaro Dhibaatooyinkii Deegaannadan ka jiray” ayuu yiri RW Cumar C/rashiid.

Intaa kaddib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa u sii gudbay Garoowe, halkaasoo uu kulammo kula qaadan doono Mas’uuliyiinta Puntland iyo Bulshada ku nool deegaannadaas.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa dhawaan Shaacisay in aysan Aqoonsanayn Maamulka lagu dhisay degmada Cadaado, sidoo kalena waxay sheegtay inaysan aqoonsanayn Guddiyadii Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Dhawaan uu Baarlamaanka Somalia Ansixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda lama oga qodobbada rasmiga ah ee uu kala hadli doono RW Sharma’arke Madaxda Maamulka Puntland, laakiinse wararka hoose ee la helayo ayaa sheegay inay ugu waaweyn yihiin shakiga Puntland ay ka qabto Dowladda Soomaaliya.

 

COMMENTS
LINKS