Raysal Wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Oo Difaacay Xuduuda Maamul Goboleedka Puntland La Leeyahay Galmudug. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Oo Difaacay Xuduuda Maamul Goboleedka Puntland La Leeyahay Galmudug.
July 20, 2015 - Written by Editor:

 

 

Muqdisho(wajaalenews)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa cadeeyay in xuduudaha Maamulka Puntland ay tahay mid laba taabtaan ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in distuurka labada maamul la is waafajiyo oo lagu cadeeyo arinta magaca mudug waa Cumar Cabdirashiid oo ah Raysal Wasaaraha dalka Soomaalia

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay Magaalada Burtinle ee Deeganada Puntland oo Odayaasha Dhaqanka uu kula hadlaayay shalay.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Somalia in Dastuurka Puntland ay ku cadahay xuduudaha Puntland halka ay ku taallo, wuxuuna sheegay in arimaha Galmudug iyo Puntland ay isku hayaan ay tahay arin ku aadan magaca Mudug kaliya, balse muranka uusan aheyn arimo xuduudo ku saabsan.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay  in ay wanaagsan tahay in la iswaafajiyo Dastuurka labada Maamul oo lagu kala cadeeyo arinta magaca Mudug, wuxuuna sheegay in arimahaasi laga shaqeyn doono.Isaga oo hadalka siiwata Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay xilligii uu socday shirka Magaalada Cadaado in isaga qudhiisa uu shirkaasi ka saaray dadka kasoo jeeda Puntland ee tagay Magaalada Cadaado, waxaana uu sheegay in dadkaasi uu u sheegay in shirka ay leeyihiin reer Gobolada Dhexe oo Puntland aysan shaqo ku laheyn.

Ra’iisul Wasaare Cumer cabdirashiid Sharmaake ayaa dhib badani ka haysataa dadaalna ugu jira sidii uu ku xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan Maamulda Puntland iyo Galmudug, isaga oo hada ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

COMMENTS
LINKS