Qorshaha Xukuumadu Ku Wado Xisbiga Wadani iyo Faa,iidada Xisbi Ahaan ay Uga Faa,ideysan Karaan Wacyiga Aan Duruufta Aheyn(faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshaha Xukuumadu Ku Wado Xisbiga Wadani iyo Faa,iidada Xisbi Ahaan ay Uga Faa,ideysan Karaan Wacyiga Aan Duruufta Aheyn(faalo
July 26, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Waxeynu ogsoonahay had iyo jeer waayaha Koox urur Xisbi,

Umad iyo Bulsho kusoo waajaha duruuftu in uu yahay mid lagama beydhaan

ah oo wacyigu u keenay,waxaanay had iyo jeer duruuftaasi meesha ka

saartaa Geedi socodkii nidaamkii iyo qorshihii ku talagalku ahaa taas,

oo ay had iyo jeer barbar socoto wacyiga kale ee kusoo waajaha Qorshe

lagu soo aadiyay,oo aalaaba noqda mid waxtar iyo faa,iido u leh iyo

mid khasaare ku jooga labadaba.

 

Hadaba marka aynu dib u milicsano xubno indhawaale iska casiley

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani xilal ay ka hayeen, oo qeybo badan oo

Bulshada kamid ahi su,aalo door ah iska weydiineysay ayaa xiligan

marka dhab ahaan hoos loogu dhaadhaco ama xaqiiqdooda laga daba tago

waxey, u muuqataa Qorshe olole balaadhan ah oo Xukuumada talada

haysaa, ku bartilmaameedsatey Xisbiga ugu mucaaridada adag ee Wadani

oo nidaamkiisa iyo habsami u socodkiisu aanu maalina maalin labaad ku

darin, oo Geedi socodkiisu Guulo is daba jooga iyo kasbashada

Taageerada Bulshada yahay mid si tartaiib ah mid ugu socda ayaa, waxa

ay dad badani aaminsan yihiin khusuusan aqoonyahanka iyo Qeybaha

Bulshada qaarkood ee fikirka adag ka jooga Xukuumada talada haysa ee

uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, in qorshahani yahay mid kusoo

arooraya Waxaad shar moodeyso oo kheyr kuu lehbaa jira sababtoo ah

hadii ay adkaan laheyd in Xubno Xisbiga xilal ka haya oo aan

miisaankooda iyo taaga ay ku xamili karaan in ay ka gun gaadhaan midha

dhalka Mowqifka ay ayideen, loo sheegi lahaa in ay banaan tahey in

lagu badelayo in ay xilalkooda buuxiyaan kuwa ka miisaan badan, oo leh

dulqaadkii lagu qaadi lahaa  in ay ka gun gaadhayaan mowqifka ay

qaateen ee Xisbiga iyo halka loo socdo, waxa jira in ay u muuqan

laheyd dhibaato Xisbiga iyo hogaankiisu faraha ku doontey, oo ku

dhaawacay Geedi socodkii iyo hanaankii Xisbiga haseyeeshee, qorshaha

xiligan Xukuumadu kusoo waajahdey Xisbiga Wadani ayaa u muuqda mid

shaandho u noqonaya Wadani oo aad moodo nasri xaga illaahay uga yimid

Xisbigaasi kaas oo ka sifeynaya guud ahaanba inta hanka yar iyo intii

caqabada ku noqon laheyd ee aan laheyn samir ay ku haweystaan halka

loo socdo iyo guusha.

 

Sikasta oo ay tahey,Marka si dhab ah diirada loogu saaro Xubnaha iska

casiley Xisbiga Wadani iyadoo, aan xuquuqdooda laga duudsiyayn hadana

waxa muuqata in ay Xisbiga Wadani usoo jiideen Fursad qiima badan oo

Xisbigaasi uga faa,ideysan karo inuu helo shakhsiyaad tayo iyo samirba

leh, oo  Miisaan iyo maamuus leh oo u arkayay inaanay fursadi uga

banaaneyn mansabyada laga dagaalami karo ee Mustaqbalka muujin kara

doorkooda Siyaasiga ah iyadoo Tusaale ahaan,Xubnaha is casiley ay

kamid yihiin kuwa dhawaan Xisbiga kusoo biirey oo aan saameyn ku

laheyn habayraatee, Doorashooyinkii u dambeeyay ee Xisbigaasi kusoo

baxay ee D/hoose iyo kuwa si fudud loogu doortey oo iska lumiyay

fursad dahabi ah oo soo martey sida Gudoomiyayaashii Garbka Haweenka,

iyo Garabka dhalinyarada oo booskooda looga riixay kaadiriyiin halgan

adag lasoo marey, Wadani xiligii ururka uu ahaa  seeskana soo dhigay

iyo kuwa kale oo iyaguna fursad uga helay, kadib markii laga soo

ceydhiyay xilalkii ay Xukuumada ka hayeen.

 

Gabagabadii waxa jira xaalad duruufi kuu keento oo aanad dhinacna uga

ciirsan karin maxaa yeelay,majiro khilaaf Siyaasi ah oo Xisbiga ka

dhex jira, ma jiro hirdan loolan siyaasadeed ah oo lagu kala jiidanyo

Murashaxnimada, Hogaanka iyo xubnaha gudida fulinta iyo kuwa Golaha

dhexe mana jirto cadaalad daro lagula kacay Siyaasiyiin Xisbiga

kujirta iyo saami qabysi lagu kala sad bursadey, sidaa daraadeed waxay

noqoneysaa tani  xaalad, aan si cilmiyeysan laguugu soo waajihin oo

Mustaqbal siyaasadeed kuu leh taas, oo xubnaha iska casiley maanta

Xisbiga Wadani marka dhab ahaan loogu fiirsado ay u badan yihiin kuwa

fursad qiima leh u baneeyay Xisbigaasi, taas oo ay Wadani Geesta kale

ka rajeyn karaan fursado culus wacyiga kusoo foolka leh Xisbi Xaakimka

Kulmiye, iyo Xukuumadaba.

QALINKII Cabdiraxmaan-hiiraan

COMMENTS
LINKS