Qaababka Aad Kaga Hortagi Karto Hurdo La’aanta Kusoo Wajahda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaababka Aad Kaga Hortagi Karto Hurdo La’aanta Kusoo Wajahda.
July 27, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Baadhitaano fara badan oo ay sameeyeen qolooyinka ku xeel dheer cilmiga caafimaadka ayaa tilmaamaya in sedex meelood meel ka mid dadka dunida ku nool ay la tacaalayaan dhibaato hurdo la’aan. Hurda la’aanta ayaa waxaa sababa waxyaabo fara badan. Hadaba calaamadaha lagu garto hurdo la’aanta waxaa ka mid ah:-

  • Inaysan hurdo kaa imaaneyn, xitaa hadii aad daalantahay.
  • Inaad soo kacdo dhowr jeer misana aadan awoodin inaad hurdada ku laabato.
  • Inaad soo kacdo saq dhexe oo habeenkii adigoo dareemayaa daal fara badan.
  • Inaad maalintii dareento Lulmo iyo daal.
  • Iyo adigoon hurdi Karin ilaa aad ka isticmaasho kaniini IWM.

Hadaba raac talaabooyinkan si aad ugu hortagto hurdo la’aanta isla markaan hurdo macaan u seexato.

1)Soo wayseyso intaadan seexan ka hor.

Rasuulka (scw) wuxuu yiri: “ markasta oo aad seexanayso waysayso una seexo dhinaca midig.” (Bukhari)

Sidaas daraadeed in la wayseystaa hurdada ka hor waa wax sunno ah oo aad ajar ku heleyso. Sido kale habeenkaas hadii aad sidaas ku dhimato waxa noqoneysaa qof Muslim dhab ah, wax ka fiican ma jiro inaad dhimato adigoo iimaan leh janadana aad gasho.

2)Isku day qolka hurdada inaad ka dhigto mid mugdi ah oo xasilan.

Dadka qaar ayaa seexda TV-ga oo shidan ama nalka oo shidan taasoo keeni karta in hurdadii ay kaa tagto. Xaqiiji wax kasta, Computer, TV, Radio IWM inaad wada bakhtiiso intaadan seexan. Taasi waxey kaa caawineysaa in naftaada waxba ka mashquulin oo aad si degan u seexato.

3)Naso intaadan sariirta tagin ka hor.

Inta badan dadka ayaa seexda iyagoo xanbaarsan istareeskii iyo daalka ay maalintii lasoo kulmeen iyagoo rajeynaya inay marka ay sariirta tagaanba ay seexdaan laakiin arintu sidaa maaha adigoo fikiraya hadaad istidhaa seexo waxaa dhacaysa in aad seexan waydo oo aad weydo hurdadii markaa waxaa haboon in marka hore aad cabaar nasato oo aad yara laydhsato fikirkana aad dibada ku dhamaysato hadaad kartana aad soo maydhato waana ta ugu wanaagsan ka bacdina aad seexato adigoo degan.

4)Ha seexan xil danbe oo maalintii ah.

Tani waxay kaa qaldi kartaa hurdadaadi caadiga aheyd, seexo wakhti hore habeenki si aad wakhti hore usoo kacdo maalintii adigoo hurdo kugu filan seexday.

5)Iska ilaali cunooyinka huradada wax yeeli kara.

Waxaa ka mid kafeeyga iyo iyo waxyaabaha mukhaadaraadka sida khamriga iyo Khaadka kuwaaso siyaabo kala duwan dadka u saameeya, xitaa hal koob oo kafee subaxdii aad cabtaa wuxuu saameyn ku yeelan karaa hurdadaada habeenkii. Hadaba waxaa kuu wanaagsan inaad ka hortagto wax kasta oo huradaada waxyeeli kara.

6)jimicsiga jidhka oo aad samayso.

Waa u daawo dhinacyo badan oo caafimaadka ka mid ah, uma baahnid inaad aalamiinteeso xiliga huradada ka hor, kaliya waxaad u baahantahay inta maalintii lagu guda jiro ama asbuucii dhow jeer, xaqiiqdi waxay kaa caawineysaa hurdo la’aanta.

 

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS