Nin Mirqaamay oo Raadinayey Meel Madow oo iftiin Ka Hadhi Waayey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Mirqaamay oo Raadinayey Meel Madow oo iftiin Ka Hadhi Waayey.
July 10, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Goobtu waa makhaayad shidan waxaa fadhiya niman badan waxaa baxaya heeso macaan saacadu waa habeenimo makhaayada la fadhiyaa waa Buul waxaaanu uu leeyahay Buulku meel lagu qayilo iyo meel yar oo albaabka agtiisa ah oo ay gabadhu ku kariso shaaha ayna dhigato falaasadaha iyo koobabka.

jaad

Makhaayadani waxa ay ku taalaa bartamaha magaalada Hargeisa gaar ahaan Suuqa Hoose Makhaayadu ma laha Suuli laakiin qof walba oo suuli u baahdaa waxa uu tagaa meelahaa madow sida dooxa agtiisa iyo banana dhinaca ka xiga wax uu mirqaankii socdoba ayaa nin aad u mirqaamay uu damcay in uu kaadi tago markii uu soo kacay ee uu marayo halkii ay gabadhu dhigatay falaasadaha ayuu qaatay Faynuus garab yaalay oo ay gabadhu marka ay shaaha ku shubayso ay iftiisanaysay.

Ninkani isagu waxa uu doonayey in uu qaato waysadii oo meesha taalay laakin waxa uu qaatay faynuuskii gabadhuna markuu qaadanaayey waxa ay modaysay in uu kabo iyo wax ku eeganaayo ninkii uu kaadi tagay markuu arkay meel madow ayuu is yidhi halkaa fadhiiso markii uu gaadhay eyey meeshii iftiintay uu dhaafay meel kale oo madow ayuu tagay halkiina markuu gaadhay ayey iftiin noqotay uu istaagay uu yaabay ninkii!!!!.

Hareeraha markuu eegay ayuu sheeda ka arkay meel madow meeshii ayuu tagay hadana meeshii waxa ay noqotay iftiin ninkii uu yaabay isagoo cadhaysan ayuu iska soo noqoday oo waayey meel uu ku kaadsho ninkani ma arkaayo faynuuskan uu sito ee meeshuu tagaba iftiiminaaya markuu meeshii soo galay ee uu fadhiistay ayuu ninkii garab fadhiyey ku yidhi “ waar niyow caawa magaaladii waa wada laydh oo kii jiciir ayaa meel kasta ku xidhay laydh magaaladiiba wada laydh ayuu ka dhigay”……kkkkk

Hargiesa Office

Wariye Abuu Maxfuud.

COMMENTS
LINKS