Mudo Kordhinta Cida Ku Faa’iiday iyo Cida Ku Khasaartay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudo Kordhinta Cida Ku Faa’iiday iyo Cida Ku Khasaartay.
July 20, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Mudo kordhintii maalintii dhawayd ay samaysay Golaha Guurtida ayaa waxa ay ahayd laba mid laba dhinaca ah oo cidna faa’iido ayey u lahayd halka dadka qaarna aanay faa’iido u ahayn.

Mudo kordhintan oo ahayd mid Distuuri ah ayaa hadana waxa ay ahayd midi laba dhinac ah oo dadka qaar ayaa ka faa’iiday taas oo ahayd in Saddex Qof ay ka faa’iideen halka Laba Qof oo kalena ay ku tahay mudo kordhintaasi mid iyaga ladi ku ah hankoodii iiyo himiladoodii oo waxa ay ka jeclaan lahayeen in ay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo oo wakhtigeeda lagu qabto ayaa iyaga faa’iido u ahayd.

Halka kuwa faa’iiday ay iyagu sii fadhiyayaan kuraastooda oo ayna wax dhib ah ku hayn hadii ay doorashadu dhacdana laga yaabo in ay waayaan kuraasta ay manta fadhiyaan markaa markaad dhinca ka eegto iyaga waxaabad moodaa in ay sidan dan moodayaan oo ay raali ka yihiin.

Waxayna kala yihiin shantan Qof oo iskugu jira saddex faa’iiday ( 3 faa’iiday) iyo laba khasaaray (2 khasaaray) waxayna kala yihiin.

  1. Golaha Guurtida oo ka faa’iiday mudo kordhinta
  2. Golaha Wakiilada oo ka faa’iiday mudo kordhinta
  3. Madaxweynaha oo ka faa’iiday mudo kordhinta

Labada shakhsi eek u khasaaray ee mudo kordhintaa aanahy faa’iido u lahayn ayaa iyagu waxa ay kala yihiin:-

  1. Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen iyo
  2. Maxamed Cali Sheikh Cumar oo ah Muwaadinkii timaha la baxay ee balan qaaday in aanu xiirin shanta sano ee xilka uu hayo xisbiga KULMIYE ee uu Hogaamiyo ama Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo).1o00000000000000077777777777777777

 

WABILAAHI TAWFIIQ

QALINKII ABDIFATAH MOHAMOUD HIRSI.

COMMENTS
LINKS