Mudaharaad ay dhigeen Dhalinyaro Reer Hergeisa Ah Oo Khaati Ka Taagan Doobnimo(Single-ka). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaad ay dhigeen Dhalinyaro Reer Hergeisa Ah Oo Khaati Ka Taagan Doobnimo(Single-ka).
July 23, 2015 - Written by Editor:

 

Hargeisa(wajaalenews)-Mudaharaad aan wali noociisa oo kale hore loo arag mid noocan oo kale ah ayaa ka dhacay maalintii Arbacadii galinkii hore ee subaxnimadii.

 

Mudaharaadkan loo lagu qabtay magaalada Hargeisa Caasimada dalka Somaliland gaar ahaan Hotel Maansoor ayaa waxa ay soo bandhigeen dareenkooda ku wajahan dhibaatada ka haysta doobnimada iyo guurkii oo ay hablii ku qaali gareeyeen iyagoo ku soo bandhigay aamusni sidoo kale sita boodhadh ay ku qoran yihiin in ay yihiin doobab aan wali guursan.

ss

Dhalinyaradan mudaharaadka qabatay ayaa waxa ay ka koobnaayeen dhamaan 5-ta degmo ee ay ka kooban tahay Magaalada Hargeisa oo dhamaantood ay ka wada cabanaya single-nimadu dhibaatada ay leedahay iyo sida ay u jeclaan lahaayeen in ay guursadaan balse dumarkii ay ku qaaliyeeyeen guurka taasina ay keentay in ay saaka dhigaan ama dareenkooda ay ku muujiyaan mudaharaad aamusnaan iyagoo aan wax dhib ah iyo buuq midna aan gaysan.

 

s

Hadaba isku soo wada duuboo su’aasha is weydiinta leh ayaa ah mudaharaadkani wax ma ka badali doonaa guurka qaaliga ah ee ay dhalintaasi ka cabanayso oo habluhu ma jabin doonaan guurkooda mise waxba iska bedali maayaan.

sssss

Jawaabtu waa dhinaca hablaha fikirkooduna waa xor waanan soo dhaweynaynaa cidii wax ka soo qoraysaana ha noogu soo hagaajiso

Abumaxfuud1@gmail.com

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS