|
|||||
WAJAALE NEWS
Mucaaradka Oo Baaq Kama Dambeys Ah U Jeediyay Madaxweyne Siilaanyo
July 9, 2015 - Written by Editor:Hargeysa( Wajaalenews)-Labada Xisbi Mucaarad Ucid iyo Waddani, ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan hirgalinta heshiiskii ahaa in doorashada la qabto December 2016, waxaanay baaq wada jir ah u direen Madaxweyne Siilaanyo iyagoo ku booriyay inuu ka hor 20-ka bishan lagu jiro digreeto ku soo saaro dhaqan galinta heshiiskii asxaabta iyo xukumadda ee wakhtiga doorashadu loogu asteeyay badhtamaha December 2016, haddii kalena ay yeelan doonaan shir wadatashi. HESHIIS LABADA XISBI MUCAARID GADHEEN Nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha, iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan kaqaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo. Haddaba waxaa 5-tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyoWADDANI kuyeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) kaga doodeen arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran 27-kii May 2015-ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha. Waxay Labada Xisbi go’aan ku gadheen ØIyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda ØIyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka, ØIyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro, ØIyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda inay fuliso heshiiska, Innay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:
ALLAA MAHAD LEH
Related posts:Dhaliilaha Maamul Xumo Ee Dulhoganaya Badhasaabka Gabiley Iyo Warla,aanta Madaxweyne Siilaanyo. DAAWO; Haweenka Xaafada Goljano Ee Magaalada Hargaysa Oo Deeq Mucaawino ah Gaadhsiiyay Ciidanka Qara... Wasiirka Horumarinta Denmark Oo Ka Warramay Socdaal Uu Ku Yimid Hargeysa Iyo Kulan Uu Layeeshay Mada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|