Miyey Sameeyeen Falcelintii Ku Haboonayd Xukuumada, Golayaasha, Iyo Xisbiyadu Warkii Ka Soo Baxay Wargeyska Wikileaks?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Miyey Sameeyeen Falcelintii Ku Haboonayd Xukuumada, Golayaasha, Iyo Xisbiyadu Warkii Ka Soo Baxay Wargeyska Wikileaks?.
July 9, 2015 - Written by Wariye:

qaranimada iyo nabadgelyada dalka iyo dadka Somaliland, waa run iyo waa been warkaa wageysku sheegay midna odhan maayo

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan dadka Somaliland ee gudo iyo debedba, intaa ka dib, dadka reer Somaliland waxay leeyihiin caado aad u xun, oo ka daran cudur dilaa ah, oo hadii aanay iska daweyn , aanay weligood dhibaato, rafaad, xaqooda oo la qaato, la maroorsado, xaqdarooyin lagu sameeyo, iyo xataa xasuuq kale aanay hureyn, hadaba maxay tahay cadadaas xun ee dilaaga ihi?? caadadaasi waa dhugasho la’aan inay ogaadaan waxa ku dhacaaya, ama ku dhicidoona, ama hareerahooda ka dhacaaya, goor ku haboon oo wax lagaga qaban karo. in ay fal celis sameeyaan goor ku haboon marka dhibaato, ama khiyaamo ama weerar qarsoodi ah cadaw ku soo qaado,

in ay u hawl galaan waxa dhici doona inay ka hortagaan intaanay dhicin inta karaankooda ah, ee ka baxsan qadar eebe oo ka weyn, somaliduna waxay tidhaa balaayo madax la qabtaa bay leedahay ee malaha mijo la qabto, tusaale ahaan hadaan u soo qaato, somalidu waxay tidhaa mar kale meyd ayaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido, anoo meel dheerba tegin, oo aan dhex gelin waxaan lagu soo koobi Karin qoraal yar oo mar laqoro, dhacdadii ayaamo yar ka hor soo ifbaxday ee ay qortay wargeyska caalamiga ah ee siraha dawladaha fashiliya ee la yidhaa wikileaks, ee ay sheegtay in dhawr sano mudo laga joogo ay xukuumada Somaliland iyo ta somaliya oo ay waheliso dawlad goboleedka puntland, ay kala saxeexdeen heshiis ay ku ogolaanayaan in ay wada dhisaan ay ku midaysan yihiin oo la yidhaa dawlada fadaraalka ah ee somaliya, waa war naxdin leh, waa war dhagaraysan, waa war si toos ah u taabanaaya jiritaanka, qaranimada iyo nabadgelyada dalka iyo dadka Somaliland, waa run iyo waa been warkaa wageysku sheegay midna odhan maayo, laakiin hadii warkaasi run yahay, miisaan intee leeg ayuu leeyahay?? falcelintiisa se miisaan intee leeg ayaa looga baahanyahay??, dabcan dal iyo dad la taabtay jiritaankooda wax ka weyn oo dhici lahaa majiro, falcelinta loo baahan yahayna, madax meel ka sareysa oo la taabtaa ma jirto, ee waa in sidii loo badbaadi lahaa, mar danbena taas oo kale u dhacdeen lagu dhaqaaqaa.siday wax u dhaceen hadaba, ma sameeyeen fal celintii ku haboonayn qaybaha kala duwan qaranku, ee ay uGu horeeyaan heyadaha loo egmaday inay dalka hogaanshaan??? mise sidii aan soo sheegnay ayay dhaadmo la’aan iyo dhugasho la’aan ku dhaaftay, oo xataa ismay weydiin warkaa maxaa ka run ah maxaase ka been ah, ama miisaan intee leeg buu leeyaha? bal aan eegno.

XUKUUMADA IYO XISBIGEEDA; 1) Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii dalka u sareeyey wax hadal ah lagama hayo.   2) Wasiirkii u tunkaweynaa waa Xirsi, wuxuu qiray in wax ka jiraan, masuuliyadeediina wuxuu dusha u saaray wasiir la casilay.  3) Gudoomiyaha Xisbiga talada haya, waa Muse Biixi, mar uu soo hor fadhiistay umada, isagoo ka hadlaayey tvii, xataa ma sheegin in uu isku hawlay in uu hubiyo in warkaasi run yahay iyo in kale, waxa kaliya ee uu sheegay cay iyo aflagaado aanu waxba iskula hadhin oo uu dabada u qabtay masuuliyiinta xisbiyada oo uu ku eedeeyey in warka la sheegayaa yahay been abuur ay iyagu qoreen, waa yaab goormay wargeyska wikileaks xibiyada macaaradka Somaliland yeesheen.  4) Hayadaha amniga ee qaranka, Wasiirku x/ geenkii amniga ee Wasaarada arimaha gudaha, oo ah masuulka uGu sareeya amniga dalka, ee waajibkiisu yahay in ay ogaadaan ama ka hortagaan ficil kasta oo khatar gelinaaya dadka iyo dalkan, cid kasta oo ficilkaa ku lug lehna cadaalada horkeenaan, ayaa mar uu la hadlaayey saxaafada aan marnaba sheegin wax fal ah oo ay qaadeen hayadaha amnigu si ay u ogaadaan in warkaas wax ka run yihiin iyo in kale, waxa kaliya ee uu sheegay oo ahayd aflagaado iyo cay uu ooda kaga qaaday xisbiyada mucaaridka ah, sidii gudoomiyaha xisbigooda oo kale, waxa kale oo ay xukuumadu soo kireysatay siyaasiyiin aan hayn wax xilal ah oo ay tidhi weerar cir iyo dhul ah ku qaada mucaaridka sidaad u argagax gelisaan. hadaba ma la odhan karaa xukuumadu waxay sas ka qaaday oo la taabtay xaqiiqo jirta oo ay caanaha iyo biyaha iskugu dartay, difaac adag iyo cayna ay iskaga soo horeysiisay.

GOLAYAASHII SHARCI DEJINTA ; Waxa ay ahayd in labada gole ee baarlamaanka iyo guurtidu, in shir degdeg ah oo aan caadi ahayn layskugu yeedho, oo ay ka doodaan sidii loo ogaan lahaa warkaas waxa ka jira, gudi madax banaanna loogu saari lahaa, laakiin lama hayo ilaa hada meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, waxay barkimo dheer dhigteen oo ay hurdaan guryahoodii, dalka iyo dadka laga hadlayaana maaha mid ay yaqaanaan.

XISBIYADA QARANKA EE MUCAARIDKA AH IYO MADASHA ;  Runtii dhaqdhaqaaq, baaqyo iyo canbaareynoba way sameeyeen, laakiin ma tahay intii loo baahnaa?  waa maya, waxa loo baahan yahay talaabooyin intaa aad uga weyn ugana badan, waxa laga hadlayaa waa jiritaankii umadda, waxa kale oo loo baahan yahay in ay ku baaqaan doorasho lagu qabto bil ilaa sadex bilood gudahood oo lagu ogaanaayo kalsoonida umaddu u hayso xukuumada iyo xisbigeeda inta uu leeg yahay.

Q  O  R  E  ;   CAWAALE DALJIR.

COMMENTS
LINKS