Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland oo deeqo kala duwan gaadhsiisay Cusbitalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland oo deeqo kala duwan gaadhsiisay Cusbitalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.
July 12, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Marwada koowaad ee Madaxweynaha ayaa maanta waxay kormeer ku soo martay Cusbitalka guud ee hargeysa gaar ahaan qaybta hooyada iyo dhalaanka, waxaanay marwadu dul istaagtay sida ay u kala culus yihiin bukaanku, iyada oo mudnaanta koowaad siisay ilma yar oo madaxa biyo kaga furan yihiin, wxaana warbiximo kala duwan ay ka dhegeysatay marwadu agaasimaha cusbitalka iyo dhakhtarada u gaarka ah ilmaha yar oo la socota xaaladiisa sheegtayna in hada xaaladiisu ka soo raynayso, balse uu u baahan yahay laba qaliin oo degdeg ah in kasta oo aanu ilmahan yari qaadi Karin laba qaliin halmar iyada oo la helo dhakhtar dibadeed mooye.

DSC_0070 DSC_0066 DSC_0057

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Waxaanay sheegin in xanuunkani uu dadka ku dhaco inta badana lagu guulaysto in laga xidho biyaha kaga furan madaxa halka kuwana marka qaliinka lagu sameeyo sida ilmahan yar oo kale ay ku sii bataan marka ay istaagto tuunbada biyaha ka soo qaada.

Marwada oo dareen hooyonimo awgii ka damqatay xaalada ilmahan yar ayaa deeq lacag ah gudoonsiisay hooyada ilmahan yar dhashay una ducaysay in alle shaafiyo ilmahan yare e sabiga ah, ka dibna waxa ay marwadu soo kormeertay guud ahaan bukaankii ku sugnaa waadhadhka, iyada oo qof qof ugu ducaysay marwadu allena uga bariday inuu ka dulqaado xanuunka oo uu ugu bedelo caafimaad sareecana.

Marwadu intii ay ku guda jirtay Cusbitalka waxa kale oo ay soo kormeertay xarunta caruurta aan ku dhalan xaalad caafimaad oo taam ah balse dedaal loo sameeyo in ilmahaasi la badbaadiyo madaama oo qofka weyn iyo ka soo dhashayba ay isku naf uun yihiin, waxaanay qaybtani shaqaynaysay muddo 3 sanno ah waxaanay hada u shaqaysa si wanaagsan oo shacbigu ka mahad sheegtay laguna daweeyey caruur tiro badan oo markii hore ku sugnaa xaalad adag iyada oo sida ay sheegeen kallaaliyeyaashii ku sugnaa xaruntani ay sheegen in aanay jirin qalab ay ku shaqeeyaan oo lagu daryeelo looguna gurmado caruurtan, marmarna ay dhacdayba in ilmihii oo nool la iska duubo oo la yidhaahdo kolay way ka baxaysaaye ee inaga dhiga balse taa bedelkeedii waxa aanu ku bedelnay dedaal dheeriya oo wasaarada caafimaadka iyo xukuumadu ay sameeyen awgeed sida hada idiin muuqataba aanu caruurta ku daryeelo kuna baxnaanino qalabkan aad u jeedaan ee ilmahan yari saaran yahay isaga oo shalay dhashay xaaladiisuna ay maanta ka fiican tahay kana soo raysay sidii hore, iyaga oo u mahad celiyey wasiirka iyo agaasimaha cusbitalka guud iyo marwada koowaad oo iyadu marwalba ka war haysa soona kormeerta xaalada caruurta.

Ugu danbayna marwadu waxa ay maamulka cusbitalka ku wareejisay xoolo nool oo ay ugu talo gashay in maalinta ciida hadii alle qadaro loo qalo bukaanka, waxaana kala wareegay oo uga mahadnaqay marwada deeqdan xoolaha ah agaasimaha guud ee cusbitalka Dr. Axmed Cumar Askar.

Sidoo kale waxay marwadu kormeer iyo deeq xoolo ah gaadhsiisay Cusbitalka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyada oo marwadu soo kormeertay Caruurta ku sugan cusbitalka ee xanuunada u jiifa waadhadhka waxaana marwada war bixin ka siiyey dhakhaatiirta caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin, waxaanay marwadu caruurta mid mid u soo martay uguna ducaysay in alle shaafiyo kana dulqaado xanuunkanada.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

COMMENTS
LINKS