|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo xallinaya walaaca heshiiska Iiraan
July 19, 2015 - Written by Wariye:Xoghayaha difaaca ee Mareykanka ayaa la filayaa inuu Axadda soo socota uu booqdo Israa’iil, ka hor intuusan u gudbin Sacuudiga iyo Urdun, intuu ku guda jiro booqashadiisa Bariga dhexe. Safarkiisa ayaa lagu sheegay inuu yahay in lagu soo jiidanaayo dalalka ka xumaaday heshiiskii Iiraan dhowaantan lala saxiixday, kaas oo ku saabsanaa barnaamijkeeda nukliyerka. Ashton Carter ayaa waxa uu wadahalo laba maalin ah la yeelan doonaa saraakiisha Israa’iil ka hor intuusan la kulmin ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, talaadada soo socota. Mr Netanyahu ayaa heshiiska Iiran ku tilmaamay Khalad taariiqdu xusi doonto. Waxa uuna ka digay in Iiraan ay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay yeelato. Related posts:Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Jeelka Magaalada Boorama Oo La Iibinayo Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumad... DAAWO;Gudiga Doorashoyinka Somaliland Oo si Rasmiya u shaaciyey Mudada Ay Doorashada Ku Qaban Karaan Daawo:Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Si Adag Uga Hadlay Hadalo Dhawaan La Isla Dhexmarayay Oo Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|