Madaxweynihii Hore Puntland, Faroole Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda GAROOWE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Puntland, Faroole Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda GAROOWE
July 29, 2015 - Written by Editor:

Garoowe: (Wajaalenews)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland,ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa uu ku sugnaa Magaaladda Hargaysa ee Somaliland,waxaana uu kulan Warbaahinta laga qariyay la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo,iyada oo maalintii shalayna uu Madaxweyne Ku-Xigeenku qeddo sharaf ugu sameeyay Magaaladda Hargaysa.

FAROOLE 1 FAROOLE 2

Madaxweyneha ayaa waxa kusoo dhaweeyay Magaaladda Garoowe Boqolaal Dadweyne ah oo wata calanka Maamulkaas iyo Sawiradda Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaana ka mid ahaa Siyaasiyiintii halkaas kusoo dhawaysay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Wasiiro hore iyo qaar ka tirsan Wasiiradda hadda ka tirsan Maamulka

COMMENTS
LINKS