|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Socdaal Xukumaddu Ka War Hayso Hargeysa Ku Imanaya
July 19, 2015 - Written by Wariye:
Si rasmi ah looma oga ujeedada socdaalkiisa , laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland la filayo inuu maanta soo gaadho magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Ilahani waxay intaas ku dareen in socdaalka Madaxweynihii hore ee Puntland uu yahay mid shakhsiyeed oo aan la xidhiidhin arrimo siyaasadeed. Wararku waxay sheegayaan in Mr. Faroole uu wakhti kooban ku sugnaan doono magaalada Hargeysa. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa waxa u dhaxday haweenay reer Somaliland ah Marxuumad Aamina Abiib oo Alle haw naxariiste sannadkii hore geeriyooday, waxaana la filayaa in arrimaha uu u socdaa ay la xidhiidhaan arrimo qoys. Dawladda Somnaliland ayaa la sheegay inay ka war hayso socdaalka shakhsiyeed ee uu Madaxweynihii hore ee Puntland ku imanayo Somaliland. Wajaalenews-desk Source-Geeska Related posts:Ururka Warshadleyda Somaliland oo Cabasho Ka Muujiyay Wareegtadii Madaxweynuhu Kaga Joojiyaya Cashuu... Eng Dauud Abiib Axmed Oo Shaaciyay In Uu Taagan Yahay Musharaxnimada Golaha Barlamaan Ee la filaayo... GUDIDA QAADHAAN URURINTA EE WADA CEERIGAABO OO MAANTA LAGU SOO DHAWEEYEY AIRPORTKA HARGEISA.(Sawiro) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|