|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qeyb-galay. Maanta Aas Qaran Oo Sameeyay Marxuum Fu’aad Aadan Cadde,
July 18, 2015 - Written by Editor:Maanta 18/07/2015 waxa aas qaran oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo loogu sameeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa Marxuum Fuaad Aadan cade oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Turkiga, maydkiisuna dalka soo gaadhay maanta.
Waxaana marxuumka loo aasay si heer qaran ah laguna deday calanka Somaliland, iyada oo ay marxuumka sideen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, marxuumkana ay salaan sharaf siiyeen cutubyada ciidanka qaranka ka socday ee gelbinaayey marxuumka.
Ka dibna waxa lagu tukaday salaada jinaasada oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u tiro badan oo isaga yimi guud ahaan gobolada dalka oo uu hogaaminaayeyna madaxweynaha qaranka Somaliland, kana mid ahaayeen madaxdhaqameedka Somaliland, waxgaradka, aqoonyahanka, xukuumad, Asxaabta Mucaaradka iyo qolayaasha qaranka dhamaantoodba.
Related posts:DAAWO;-Taliyaha Ciidanka Qaran Jsl Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Ka Jeediyay Xuska Sanad Guurada 27Aad Ee... Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster. Daawo: "Sicir Bararka In La Joojiyo Dadka Taagersan Baanu Nahay, Lakiin Yaanu Noqon Mid Cid Gaar Ah ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|