|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne JSL Mudane Siilaanyo Oo Magacaabis iyo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Waaxda Garsoorka –
July 26, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo; Markuu Isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo; Wuxuu Go’aansaday
Xilka qaadis
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda; Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka; Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil. In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir. In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka Madaxtooyada JSL COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|