Madaxweyne Barack Obama Oo soo Gaadhay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Barack Obama Oo soo Gaadhay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya
July 24, 2015 - Written by Editor:

Nairobi (Wajaalenews) — Waxaa goor dhowayd  kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi diyaaradii waday Madaxweyne Barack Obama oo si weyn looga sugaayay wadankan Kenya.

KENYA OBAMA

Obama, ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa. Iyadoo sidoo kale soo dhaweyntiisa ay ka qeyb galeen dad weyne tiro badan oo ay hogaamineysay Ayeydiis Aabihiis soo korisay ee Sarah Obama, oo  ah xaaska saddexaad ee awoowgiis aabihiis dhalay. Sidoo kalana ah qofka ugu weyn ee ka nool qaraabadiisa Kenya.

Barack Obama oo lagu wado inuu Kenya joogo maalmaha soo socdo, ayaa wuxuu 25 iyo 26-ka bishaan oga qeyb gali doonaa Nairobi – Shirka caalamiga ah ee Ganacsiga (GES) Global Entrepreneurship Summit, oo sanadkaan markii ugu horeysay ka dhacaayo Bariga qaarada Africa.

 

Wuxuu sidoo kale Axada soo socoto uu Madaxweyne Obama kula hadli doonaa Garoonka Kubada Cagta Kasarani ee magaalada Nairobi, shacabka Kenya oo si weyn u sugaayo iney la kulmaan Madaxweynaha Mareykanka ee Aabihiis uu ka soo jeedo Kenya.

Dhanka kale wararka horu dhaca ah, ayaa tilmaamaayo in Madaxweyne Obama xubno ka tirsan qoyskiisa oo ay ka mid yihiin labadiisa gabadhood ee Sasha iyo Malia, aynan ku wehlinin safarkaan xili warbaahinta Kenya qaarkood ay horay u sheegen in qoyska Madaxweynaha ay u dhan yihiin booqashadaan.

Obama oo safarkaan uu u noqonaayo kii afaraad ee uu ku yimaado Qaaradda Afrika tan iyo markii xafiiska loo doortay, ayaa wuxuu horay u tagay dalalka Koonfur Afrika, Senegal, Ghana iyo Tanzania, isagoona sanadii 2013-ka mar uu booqday wadanka Tanzania oo daris dhow la ah Kenya oga dhawaaqay, qorshaha dowladda Mareykanka ay ku horumarineyso qaarada Africa oo uu sheegay iney ku baxeyso lacag dhan 7 Bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

 

Sababaha uu Obama horay ugu soo booqan waayay dalka Kenya, ayaa lagu sheegay iney qeyb ka aheyd dacwadii Maxkamadda ICC oga socotay Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenya oo markii dambe ay Maxkamada caalamiga ah ee dembiyada dagaalku ay joojisay.

 

 

COMMENTS
LINKS