|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hogaaminaayey Meel fagaare ah Kala Hadlay Shacbiga ku Dhaqan Magaalada Ceel-afweyn.
July 30, 2015 - Written by Editor:Ceel Afwayne(Wajaalenews) Weftiga madaxweynaha oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ayaa ujeedadii socdaalkooda guda-galay waxaanay shacbiga degmada ceel-afweyn ka gudoomeen 500 oo adhiya iyo 50 geela oo ka mida 100 geela oo uu shaqsiyan ugu deeqay boqor Cismaan Buurmadaw. ka dibna waxay weftigu gudo galeen kormeerkoodii la xidhiidhay wadada iyo sida ay u socoto hawsheedu, waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray wadada iyo goobaha kalasharka soo saara qaybaha kala duwan ee dhagaxa lagu dhisaayo wadada, ka dibna waxa uu madaxweynuhu u sii dhaafay dhanka tuulooyinka iyo degmooyinka u dhexeeya ceel-afweyn iyo ceerigaabo isaga oo sii maray Kalsheekh, kalmac iyo Buurta lagu magacaabo Qabyatira oo horena hees loogu magacdaray ahaydna buur khatar ah oo 4tii baabuur ee dulmara laba ka midi ay dhici jireen sida uu sheegay Engineerkii ku hawlahaa dhismaha wadadu, isaga oo madaxweynuhu buurta gaadhi ku dulmaray marna lug kaga daadegay sida muuqaalada sawirada inooga muuqata. Madaxweynaha oo khatarta buurtaasi ay lahayd horena u maray maantana soo arkay sida loo dhisay iyo sida ay shacbigu u mahadiyeen ayaa mahadnaq iyo hambalyo ugu tagay halkay degan yihiin shaqaalihii mudada sanadka ah ku hawlanaa inay wadada iyo buurtanba ka dhigaan mid shacbigu mahadiyo kuna raaxaystaan maristeeda, iyadoo wadadu isku xidhantay ceel afweyn ilaa Ceerigaabo. Madaxweynuhu intii uu safarkiisa ku sii guda jiray waxa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada yufle oo ay kaga horyimaadeen masuuliyiin iyo madax-dhaqameed badani, waxaanu shacbiga ku dhaqan degmada kala hadlay goob fagaare ah isaga oo kula dardaarmay sidii ay qayb muuqata uga qaadan lahaayeen dhismaha wadada ugana mahadnaqay soo dhawaynta iyo xoolo ay sheegeen inay soo ururiyeen balse ay mar kale gudoonsiin doonan gudida wadada ceerigaabo. ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ka sii watay halkaasi isaga oo u socdaalay dhinaca ceerigaabo. Related posts:DAAWO; Sheekh Aadansiiro Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Lixda Goobood Ee Waqooyiga Hargaysa, iyo Weed... “In Laga Faa,iiday Dagaalka Laascanood Iyo In Aan Laga Faa,iidin, Taariikhda Ayaa Qori Doonta, Waxaa... MAAMULKA PUNTHLAND OO ISU DIYAARINAYSA DAGAAL AY KULA WAREEGAYSO DEEGAAMADA BARIGA SANAAG IYO JAWAAB... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|