Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo Maanta Magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo Maanta Magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
July 11, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto ku magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka, iyadoo wareegtada lagu xusay in markii uu madaxeynuhu arkay Qodobka 87-aad ee Dastuurka DFS, farqadda koowaad – xaraf C iyo farqadiisa Labaad.

Markuu arkay Qodobka 90-aad ee dastuurka – xarafkiisa K. Markuu ogaaday: baahida loo qabo dhameystirka dhisidda hay’adaha dowladda federaalka Somalia. Markuu tixgeliyay Aqoonta iyo Waayo-aragnimada uu mudanaha xilka loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hay’adaha Dowladda Somaia oo uu muddo dheer kasoo shaqeynayay. Wuxuu Madaxweynuhu soo saaray xeerkan:

Qodobka Koowaad: Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu Saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay inuu noqdo Xisaabiyaha Guud ee Qaran.

Qodobka Labaad: Xisaabiyaha guud ee dowladda wuxuu mas’uul ka yahay si madax-bannaan Xisaabaadka hay’adaha dowladda iyo inuu la socdo qarashka dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah hanti lacageed oo ah keydka dowladda Somaia.

Qodobka Saddexaad: Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka.

Qodobka Afaraad: Wuxuu Xeerkan dhaqan-galayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

COMMENTS
LINKS