Madaxweynaha JSL Oo Bulshada Ku Hanbalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Bulshada Ku Hanbalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga
July 16, 2015 - Written by Editor:

HAMBALYADA MADAXWEYNE JSL EE MUNAASIBADDA CIID-AL-FIDRIGA 16/07/2015

Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu.

Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka.

Munaasabadda ciid-al-fidriga awgeed waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan uu inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta xanuusanaysa iyo dhibaataysana uu Illaahay ka dul qaado.

Walaalayaal maanta dalkeenu meel wanaagsan ayuu marayaa oo Ilaahay loogu mahadnaqo. Waxaana inala gudboon dedaalkaasi dawlad iyo shacbiba in aynu sii libinlaabno. Waxaan idinku adkaynayaa in wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada Qaranka aynu meel uga soo wada jeedsano.

Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.

Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo..

 

 

COMMENTS
LINKS