Madaxweynaha Jsl Mudane Axmed Silaanyo iyo Waftigii U Hogaaminayay Oo gaadhay Magaalada Burco Xadhiga Kasii Jaray Jidka Xamaas Ilaa Sheekh,, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Mudane Axmed Silaanyo iyo Waftigii U Hogaaminayay Oo gaadhay Magaalada Burco Xadhiga Kasii Jaray Jidka Xamaas Ilaa Sheekh,,
July 26, 2015 - Written by Editor:

BURCO(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo saaka safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Dacar budhuq, Abdaal, iyo tuulooyinka u dhexeeya Hargeysa ilaa Berbera.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray intiii uu ku guda jiray safarkiisa wada u dhaxaysa Hargeysa ilaa berbera oo madaxweynuhu hore u dhagax dhigay Xamaas ilaa Sheekh, taasi oo ahayd 38 KM oo ah inta u dhaxaysa Berbera, xamaas lana dhameeyey halka 70 Km oo kale ay hayd inta u dhaxaysa Berbera, sheekh oo hada la dhamaystiray 56Km inta ka dhimana ay hada dhamaad ku dhawdahay

waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa hadhimo sharafeed loogu sameeyey Guriga martida ee berbera, ka dibna weftiga madaxweynuhu hogaaminaayey waxay u sii dhaafeen gobolka togdheer, iyagoo soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan tuulooyinka iyo degmooyinka u dhexeeya gobolada Saaxil iyo Togdheer.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Weftiga madaxweynaha oo markii ay gaadheen magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco si weyn looga horyimid laguna soo gelbiyey baabuur aad u tiro badan iyo shacbi weynaha oo hareero joogay wadooyinka waa weyn ee magaalada burco, iyada oo madaxweynaha iyo weftigiisa loo caraabiyey dhinaca guriga martida ee burco, halkaasina ay degan yihiin weftiga madaxweynuhu wakhtigan lana filaayo in maalmahan ay halkaasi ku sugnaadaan kana fuliyaan mashaariico kala duwan, lana rajaynaayo in madaxweynuhu kormeer ku tago wadada ceerigaabo oo wakhtigan laga gaadhay horumar balaadhan oo dhawaan la filaayo in shacbigu mahadiyo.

 

 

COMMENTS
LINKS